Xafdad balaaran oo sifiican loosoo agaasimay oo maantoo ah jamce 01-12-1435h oo kubeegan 26-09-2014 ayaa kadhacay dagmada Galdogob .
Xafladaas oo ay soo qaban qaabiyeen mu’assasada minhaaj faraceeda galgogob.
Xafladdaas oo aheyd mid ay xilwareejin aheyd oo ay xilka kulakala wareegayeen Gudoomiyaha cusub ee Mu’asasada Minhaaj faraceeda magaalada Galdogob:
Sh Axmed Maxamed faarax (Axmed dheeli) iyo Gudoomiyihii hore ee Mu’assasada fareceedaan Degmada Galdogob Sh Cabdinuur Maxamed Ismaaciil oo muddo sannad iyo Billa xilkaas soo hayey.
Xafladaas oo ay kasoo qayb galeen bahda dacwada kaladuwan ee Galdogob sida; Hey’ada culimada labadeeda gole sida hey’atu qadhaa wal iftaa iyo hey’atul buxuus Gudiga shuurada dacwada ee dagmada Galgogob.
Mu’asasada minhaj ee mu’assada fulinta arimaha dacwadda oo xilwareejinta sameyneysay .
Golaha gabdhaha daaciyaadkaa iyo gudiyadda dacwadda ee xaafadda magaaladda . Maamulka jamacadda Barriga afrika -faraceeda Galdogob .
Maamulka machadka al-imaamul bukhaari ee shareecadda iyo luqada carabiga . Raabiddada Birri ee ardadii kabaxday machadka imaamul bukhaari . Sidoo kale waaxaa kasooqayb galay ardoyinka Jamacadda Bariga afrika –galdogob- maamulkooda .
Ardada machadka imaamul Bukhari dhigata golahooda gudigooda dacwadda Ardada dhigata iskoolka Galgogob secandry school maulkooda laanta dacwadda.
Ayagoo sidoo kale uu khadka taleefanka kagasoo qayb galey gudoomiyaha guukd ee mu’assassada minhaaaj manaadiqda puntland Sh MAXAMED CABDULLAHI. Xafladaas oo aykusoo bandhigeen madaxdii hore ee mu’assasadu waxqabadkoodii intay xilka hayeen, ayagoo dhab ahaantii waxqabad dacwadeed iyo bulsheed oo loo riyaaqay soo bandhigay ,ayadoo gabagabadii xilka halkaas loogu duceeyey sheikh Axmed Maxamed Faarax laguna wareejiyey, loona rajeeyey in uu waxbaddan arimaas kaqaban karo maadaama uu in badan arimaha dacwada iyo mamulkeedba kusoo jirey ,khibrad durugsana uleeyahey oo ganasoo shaqeeyey calaa mustawaa caalamii, dardaarana lagu siiyey halkaas. wadda shaqayn fiican lagubalamey .Nuur Jaamac Aadam
Xafiiska warbaahinta
Mu,asasada Al-Minhaaj Puntland