+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa Magaalada Carmo Habeenimadii  Axada ahayd Lagu Soo Gabagabeeyey Nadwo Ka Socotay maalmihii lasoo dhaafay magaaladaas  laguna qabtay Masaajidka Al- Taqwa.

Nadwa Cilmiyeedkan oo ah mid ii 8aad oo lagu qabto degmadaCarmo ayaa Waxa soo Agaasimay  Mu’asasda Al Minhaaj Faraca Bari .

Waxa oo  Socotay Nadwadan Muddo 4bari  ah ayaa Waxaana Laga Hadlayey Nadwada “Islaaxinta bulshada  iyo Ilaalinta Masaalixda guud” .

Nadwadan oo ahayd mid aad muhin u ah ayaa Waxaa Ka Qayb galay in  badan oo ka Mid ah Culimada ugu caasan Soomaaliya.

In tii ay socotay nadwadan ayaa waxaa qabsoomay howlo badan oo dacawi kuwaasoo gaaraya ilaa 30 camal oo dacawi ah ,waxayna isigu jireen howlahaasi : 1.muxaadirooyin habeenkii ah2. kaalimaad masaajida ah, 3.dacwo shaaricyo, 4.khudbado jimce, 5.dowro dhalinyaro, 6.kulamo lalayeeshay maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada , 7.booqashooyin magaaloyinka udhow degmada sida: ceeldaahir ,carta iyo laasadawaco  8.fataawi       imw,.

Nadwadan oo ahayd mid aad loogu wacyigaliyaay bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku nool deegaanka carmo ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan.

Xiritaankii nadwada ayaa waxaa kalmado warbixin ,dardaaran iyo mahad celinba isugu jira ka jeediyey mas’uuliyiin kalada duwan .

.

20160819_164938 20160819_164912 20160819_164858 20160819_103638 20160819_103607 20160818_191712 20160818_184146 20160818_184008 20160818_184008 (1) 20160817_185429