+252 90 7798232 [email protected]

Tababar labo cisho soconaya ayaa maanta magalada Bosaso loogu qabtay mu’adiniinta masaajida magalada oo ay soo qaban qaabisay  mu’asasada  Al-Minhaaj  ayaa waxaan kasoo qayb galay , wasiirka Cadaalada iyo culimadda Gobalka, qayb kamid ah isimada iyo ganacsato .

Xasan Cabddale Xasan madaxa Al-Minhaaj Gobalka Bari oo bilowgii tababarka ka hadlay ayaa sheegay muhiimadiisa inay tahay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda mu’adiniinta iyo in la xasuusiyo waajibaadka iyo masuuliyadda ay umadda u hayaan.

Casharadda ayaa waxaa bixinaya culimadda Gobalka, waxayna sheegeen inay muhiim tahay dadka masuulka ka ah masaajiyadda inay aqoontoodo wanaagsan tahay iyo ahmiyadda ay lee dahay xirfadda mu’adanimadda.

Shiikh Daahir Aw-Cabdi oo ka mid ah culimadda Soomaaliyeed ee ku nool magalada Bosaso ayaa sheegay aadaanka in uu yahay calaamad lagu garto dadka muslimka ah  cadaynaayana  hadafkii loo abuuray dadka  ,waxaana uu sidoo  uu ku dheeraaday qiimaha uu leeyahayn mu’adinka

Waxaa ayana hadala dhaxal gal ah goobta kasoo jeediyay nabadoon c/qaadir xarago  iyo ganaacsade yaasiin maxamud cali oo bogaadiyay shaqada ay mu’asasadu bulshada u hayso .

Wasiirka Cadaalada ,Diinta iyo awqaafta Puntland Salaax Xabiid Jaamac ayaa ugu mahaceliyay mu’asada Al -Minhaaj oo tabarkaan u qabatay mu’adiniinta , waxaana uu ku tilamaamay tabarka mid muhiim ah.

Gudoomiyaha Mu’asada Al- Minhaaj ee dacwada iyo hormarinta shiikh Maxmed  Cabdulaahi  Cabdule ayaa dhankiisa xusay in ay wadi doonaan tabarada noocani ah , waxaana intaasi uu ku daray in horay  ay uga qabteen tababar ka dhigiisa ah  gobalada kale ee Puntland ,

Maxmed  Cabdulaahi  Cabdule Gudoomiyaha Minhaaaj  ayaa  ka codsaday wasaarada Cadaalada in tira koob ku sameeyaan magaala walbo  masaajid kuyaal  sidoo kale ay tababaro siiso  mu’adimiinta ,waxaana uu   xusay in ka mu’asasa ahaan ay garab istaagi doonaan  Wasaarada.

Sh.Xasan.Xafiiska Warbahinta Al-Minhaaj Bosaso 

IMG-20160112-WA0033 IMG-20160112-WA0034 IMG-20160112-WA0032 IMG-20160112-WA0031 IMG-20160112-WA0030 IMG-20160112-WA0025 IMG-20160112-WA0026 IMG-20160112-WA0027 IMG-20160112-WA0028 IMG-20160112-WA0029 IMG-20160112-WA0025 - نسخ 20160112_094803 20160112_094812 20160112_094651 20160112_094707 20160112_094720 20160112_094723 20160112_094731 20160112_094637 20160112_094629