Mu’asasada Al-minhaaj Xafiiskeeda Gobolka Nugaal ayaa Arday gaaraysa 102 arday oo iskugu jira Agoon Iyo Danyar waxay u qaybisay Dhamaan Agabka Wax lagu Barto Sida Dharka /Buugaagta /Qalimaan waxaana Mu’asasadu Ardaydaan kasoo kala xushay Intabadan Goobaha Waxbarashada waxayna Maamulada Gobahaas Ay Mu’asasada Kaabalan Qaadeen In aysan Caruutaan Iskugu Jita agoonta Iyo Danyarta Aysan Kaqaadi Doonin Lacagta Bil Laha ah .
Gudomiyaha Golaha Fulinta Mu’asasada Alminhaaj Sh Mukhtar Axmed ayaa sheegay In Dhankooda ay Balanqaadayaan sidii ay Sanadwalba Ugacaawin lahaayeen Dhamaan Agabka waxbarasho
Intaas kadib Mu’asasada Alminhaaj waxay Daah furtay labo Mashruuc oo ah kuwii Ugu horeeyay ee abid laga furo Somali waxayna kala ahaayeen Mashruuc (Tusmo) ee kobcinta Hooyada waana Ololle Hooda wax lagu barayo waxaana Halkudhigiisu Yahay Horu marinta Hoyadu Waa Hanaqaadka Bulshada waxaana Minhaaj U qorshaysan In Sanadwalba 100Hooyo Waxlabaro Iyagoo laga caawinayo Waxbarashada Bilowgeeda Ilaa Heer Jaamacadeed .
Ugudanbayntii waxaa Isna Ladaah Furay Mashruucii Labaad Ee (Beeytu Sadaqa ) Ee Kaydinta Iyo Qaybinta Sadaqada waana Mashruuc Dadka Wax haysta lagaga aruurinayo Sadaqada Islamarkaana Loogu Qaybinayo Fuqurada .[nggallery id=19]
Xafladaan Oo Ahayd Mid Balaaran waxaa kasoo qayb galay Mas’uuliyiin Kaladuwan waxaana kamid ahaa
- Godoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal
- Sh Aadan Ciise Gaadaale oo qayb weyn kaqaatay aruurinta Lacagtaan
- Sh Dalmar Guureye Kaarshe Gudomiyaha Golaha Shuurada Alminhaaj
- Madaxa Mashaariicda Heer Puntland Ciise Maxamed Cali
- Maamulada Schoolada
- Waaridiintii Dhalay Caruurta
Waxayna Dhamaan Mas’uuliyiintii Koobta Kahadlay ay Qireen In Minhaaj ay Soo bandhigtay waxqabad Lagarabay In Dowlad Weyn ay Bulshadeeda Uqabato Balse Mu’asasada Al- Minhaaj Iskuxilsaartay Shaqadaan Balaaran.