Mu’asasada Alminhaaj Xafiiskeeda Gobolka Nugaal Ayaa sanadwalba Markii lasoo gaaro Bisha Ramadaan Waxay Xaafadaha Magaaladda Garowe kasoo aruurisaa Deeq loo gu talagay in lagaarsiiyo Dadyowga kunool Xaafadaha Garowe Kuwaas Oo Aan haysan waxay Ku afuraan .
Ololahaan Oo Sanadwalba Mu’asasadu Kabilowdo Xaafada Garowe Ayaa Ulajeedada Mu’asasadu Kaleda ayay Kumicnaysay Sidii Dadku iskugu Tashan lahaayeen islamarkaana ugargaari lahaayeen walaalahooda aan Dabka Shidan .
Xaflada Qaybinta Deeqdaan Oo Kadhacday Xafiiska Mu’asasada Alminhaaj Waxaa kasooqayb galay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdullahi Faraweyne ,Madaxa Arimaha Bulshada Dowlada Hoose Dabaylo Qore G/K/Xigeenka Mu’asasada ALminhaaj Maxamed Cali Axmed /Gudoomiyaha Shurada Minhaaj Nugaal Sh Dalmar Guureeye Gaarshe Iyo Marti Sharaf Kaloo Badan.
Dhamaan Mas’uuliyiintii Goobta ka Hadashay Ayaa Amaanay Shaqada baaxada weyn Ee Ay Qabatay Mu’asasada alminhaaj Gudomiye Faraweyne oo goobta kahadlay ayaa qiray in ay tahay shaqo adag In 180 Qoys raashinkii ay cuni lahaayeen laga soo aruuriyo Xaafadaha Waxaana Uu Ugu baaqay in minhaaj howshaan ay sii wado inta ay noolyihiin .
Sanadkaan Oo ah sanadkii afraad ee sidaan oo kale Mu’asasadu Uqaybiso Deeqo ay kasoo aruurisay Dadka khayrka jecel ee kunool 8Xaafadood ee ay ka koobantahay Garowe Waxaana sanadwalba Loogu Magacdaray Taakulo Kaas oo sidhab ah Looga miradhaliyay Maadaama Lagu Taakuleeyo dad Yooga Masaakiintaa .
Nuur Jaamac Aadan
Alminhaaj Puntland Garowe