Mu’asasada Alminhaaj Gobolka Mudug oo kacan kahelaysa Gudoomiyaha Guud Ee Alminhaaj aya raashin u qaybisay 250 qoys oo kamid ah dadkii ku barakacay dagaalkii gaalkacyo islamarkaana kusoo noqday guryahoodii iyaga oo aa in ta badan awoodin in ay helaan waxay cunaan taas oo sababtay in qoysas badan ay Dabku kaseexdo.
Tilaabadaan ayaa imaanaysa waqti ay bulsho badan baahi u qabtay in ay helaan wax ay kunoolaadaan waana Hayadii ugu horaysay oo dadkaan dagaaladu guryahooda kasaaray gaar siiyay Waxay Cunaan .
[nggallery id=35]
Deeqdaan oo iskugu jirtay Raashinka Qaybihiisa kaladuwan Sida Bariis/Bur /Sonkor/Saliid/ Timir waxaa qoyskiiba lasiiyay waxay kunoolaadaan Mudo Bil ah Sida Uu sheegay Gudoomiyaha Guud Ee Mu’asasada Alminhaaj Sh Maxamed C/Laahi Cabdulle Oo Gaabta kahadlay.
Dhanka kale Gudoomiyaha Mu’sasada Alminhaaj G/Mudug Cawil Axmed Muumin waxaa uu mahadceliyay Mu’asasada Guud ee garab istaagtay Shacabkaan baahan .
Ugu Danbayntii Qaybinta Deeqdaan waxaa gobta kahadlay Gudoomiyaha Mu’asasada alminhaaj Heer Puntland Sh.Maxamed C/laHI Cabdulle oo U Mahad Celiyay Jumciyada Shaariqa Khayriya Oo Minhaaj Inta badan kacaawisa Deeqahaan oo kale Waxaana uu sigaara ugu mahadceliyay Mu’asasada Alminhaaj Xafiiskeeda Gobolka Mudug oo Sidii larabay Dadkaan usoo xulay.
Nuur Jaamac Aadan Galkacyo