+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa maanatay mu,asasada Alminhaaj faraceeda gobolka nugaal ay laba RATI  Uqashay  maxaabiista kukalaxiran  jeelka weyn ee garowe iyo maxaabiista kuxiran kantoroolka galbeed ee caasimada puntland  .

Waxaa mashruucaan maxaabiista geela loogu qalayay  loogana farxiyay boqolaal maxaabiis ah oo duruufo kala duwan kusugan  maalgaliyay shirkada sibirka ee barwaaqo waxaana fulisay mu,asasada Akminhaaj xafiiskeeda mashaariicda khayrigaa .

Farxadaan ayaa ah mid kusoo beegmaysa xili ay maxaabiis badan kuxiran yihiin saldhigyada kalduwan  ee garowe maxaabiistaan oo kukala xukuman xabsiyo  kaladuwan .

DSC01012DSC01003

Waxaa goobta kahadlay gudomiyaha xafiiska mashaariicda ee muasasada Alminhaaj C/raxmaan Macalim Ibraahim  oo faahfaahin dheeraada kabixiyay mashruucan iyo qiimaha  uu bulshada  ulee yahay isagoo uga mahad celiyay shirkadda barwaaqo  waxaana uu sidookale ugu baaqay shirkadaha  kale in ay kudaydaan .

Waxaa isna dhan kiisa kahadlay gudoomiyaha mu,asasada Alminhaaj gobolka nugaal Sh.Mukhtaar Axmed Faarax Oo umahadceliyay shirkada barwaaqo iyo xafiiska mashaariicda  ee minhaaj waxaana uu alle uga rajeeyay khayrbadan waxaana uu baaq udiray shirkadaha allah waxsiiyay in ay ogaadaan maxaabiista iyo dhamaan dadka aan waxba haysan .

Waxaa iyana dhan kooda soo dhaweeyay geelaan minhaaj iyo barwaaqo soogaarsiiyeen labada taliye ee xabsiyada loo qaybiyay geelaan waxayna u duceeyeen shirkadii bixisay iyo mihaaj oo fulisay waxayna shirkadaha kale ugu baaqeen in ay kudaydaan talaabadaan kudayashada mudan .

Nuur Jaamac  Aadam

Xafiiska warbaahinta Mu,asasada Alminhaaj

DSC01000 DSC01002  DSC01004 DSC01005 DSC01006 DSC01008 DSC01009 DSC01011  DSC01013 DSC01025 DSC01026 DSC01027