+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa Masjidka Al-Huda Magaladda Garowe lagu soo gabagabeeyay Dowro Ay Bixinayeen Culimo Fasax Kujoogay Magaalada Culimadaas oo Kamid ah Culimada Wax Kabarata Macahadka sare Ee Ducaada Oo Kuyaal Hargaysa Culimadan  Oo Gaaraya 6 Ayaa Gudanayay waajibka Diimeed ee kasaaran Bulshadooda Muslimkaa.

Xaflada lagu soo Xirayay Dowrada Oo Ahayd Mid Siheer Sare Ah Loo Soo Agaasimay  waxaa kasoo qayb galay Maamulka Mu’asasada Al-Minhaaj / Culimo Aw diin /Isimo Ganacsato Iyo Marti Sharaf Kaloo Badan  waxayna Dhamaan qireen in Dowradu ay ku soo beegan tay Waqti loo baahnaa Waxayna Bogaadiyeen Culimadii Isku howlay In ay Bulshadooda ugud biyaan Cilmigii ay soo Xan baareen .

Dowrada oo socotay Mudo 6Lixbari ah waxaa ka faa iidaystay Ardayda Kabadan 2000 oo wax kabarata Qaybaha kaladuwan ee waxbarashada Sida Dugsiyada Sare/Macaahida /Jaamacadaha Iyo Meelaha lamidkaa Mudadii ay socotay Tababarkaani waxaa ay Ahayd Mid Siwanaagsan Looga faa iidaystay Sida ay Sheegeen Ardaydii Qaadatay Tababarkaan.

Ugu danbayntii Shekh Mukhtar Axmd Farax oo ah gudoomiyaha golaha fulinta Alminhaaj Nugaal Iyo Musdafe Daahir oo ah Hormuudka Xafiiska Tacliinta Ee Mu’asasada  Ayaa si wada jir ah U balan qaaday in ay sii wadi doonaa Dadaalka loogu jiro sidii bulshada loogu faa iidayn lahaa .

Nuur Jaamac Aadan Garowe

Email: [email protected]

dsc_0046 dsc_0044 dsc_0051 dsc_0048 dsc_0047 dsc_0065 dsc_0068 dsc_0071 dsc_0072 dsc_0074 dsc_0052 dsc_0054 dsc_0056 dsc_0064