+252 90 7798232 [email protected]

Safarkan oo Qaatay In Ka Badan Asbuuc Ayey Mu’asasada ugu Kuurgalaysay Xaaladaha Dacwadeed, iyo nolol ee ka Jira Magaalooyinka ka Durugsan laamiga iyo Kuwa Wada Laamiga dhaca .

Safar Dacwadeedkan oo ay mu’asasadu mudo diyaarinaysay in uu qabsoomo ayaa Waxaa kaqayb galay maamulka mu’sasada alminhaaj bari  Qaar ka Mid ah Culima udiinka iyo Ducaada Waxaana ka Mid Culimadii Ka Qayg Qaadatay:

Sheekh Cabdiraxman Maxamed dhowre( Bukhaari) sheekh Cusmaan Maxamud Dirir Sheekh Maxamed Axmed faarax(Dabiixi) Sheekh Xasan Dheere iyo ustaad  Xassan Cabdlla sh. Xassan iyo ustad ismacil maxed yusuf.

Safarkan oo lagu kala Bixiyey Deegaano badan oo laamiga ka fog iyo kuwa saaranba ayaa Waxaana magaalooyinkii iyo tuuloyinkii latagay: kalabayr ,kobdhexaad, degmada ufayn,barako,dhargaale, Degmada isku shuban ,xiriiro, degmada carmo,Degmada Waaciye sheerbi, Magaalooyin kale .

Intii Lagu gudajirey Safarkan Dacwo Waxa Magaalo Walba laga Qabanayey Shaqooyin Dacwadeed oo iskugu jira:  Muxaadarooyin , Dacwa shaaric , Nadwooyin , Fataawa , iyo Kulama Diimeed  Waxa kale oo ay Culimadu Kulamo la yeesheen inta badan qaybah Bulshada Sida: Maamulka degmooyinka,Odayaasha Dhaqanka ururada  dhalinyarada ,dumarka ee Degaamadaas.

Waxaana kulamadaa dhammantood lagaga Hadlayey Ka kudhaqanka diinta ,kashaqaynta islaaxinta iyo heshiisiinta bulshada walaalaha ah iyo Hormarintoodaba .

Sikastaba ha ahaatee deegaanadaas ay culimadu  booqatay ayaa waxaa ka jiray dhibatooyin ay ugu ay ugu weyntahay :  colaad iyo kalaqoqobnaan haysatay deegaankaas ,iyo baahi diimeed iyo jahli.

Ugu damayntii safarkaan ayaa kusoo gabagaboobay waji aad uwanaagsan iyo guul.

IMG_7115 IMG_7153 IMG_7155 IMG_7158 IMG_7171 IMG_7174 IMG_7183 IMG_7206 IMG_7210 IMG_7216 IMG_7219 IMG_7246 IMG_7260 IMG_7267 IMG_7295 IMG_7310 IMG_7320 IMG_7325 IMG_7330 IMG_7346 IMG_7374 IMG_7386 IMG_7388 IMG_7427 IMG_7433 IMG_7440 IMG_7447 IMG_7471 IMG_7475 IMG_7508 IMG_7510 IMG_7525 IMG_7570 IMG_7578