+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa  maanta oo Taariikhdu Tahay 28/01/16  Hoolka Masaajidka Al-rowda ee Bosaaso lagu soo gabagabeeyey Tababar  loo qabtay khadiibyada magaalada Boosaaso kaasoo soconayey  saddex maalmood. Tababarkan oo ay fulinaysay Mu’asasaada Al-minhaaj ee dacwada iyo horumarinta faraca gobolka bari ayaa ahaa mid noociisa oo kale aan horey looga qaban deegaanadaan.

Xaflada xiritaanka tababarka  oo ahayd mid si heersare ah loosoo agaasimay  ayaa waxa kasoo qayb galay marti Sharaf kala duwan oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee Bulshada waxaana ka mid ahaa: Culumo, Issimo,ganacsato , Aqoonyahanno iyo Khudabadii loo qabtay tababarka. Tababarkan oo ay bixinayeen  tababara yaal carab ah oo kala ah: Dr. Yaxye Cali Maxamed oo ka mid ah Macalimiinta Jaamacada Bariga Afrika qaybta waxbarashada Sare (Masterska) iyo  Ustaad Haashim Xassan Haashim oo asna Ka Mid ah Macalimiinta Jaamacada Bariga Afrika Qaybteeda  Gaalkacayo .

Munaasabada xiritaanka  Tababarka lagu  Diyaarinayey Khudabada masaajida bosaso ayaa waxa lagu Furay kalmado wacdi ah oo uu soo jeediyey shekh maxamed macalin Axmed oo tilmamay sida ay muhimka uyihiin tababarada noocaan oo kale ,wuxuuna khudabada kula dardaarmay in ku dhaqmaan xirfada ay ka faaidaysteen tababarkan.

Gudoomiyaha Mu’asasada Al-minhaaj Faraca Bari Xasan Cabdlla Xasan oo ku dheeraaday  ahdaafta laga lahaa tababarkan  loo qabtay ayaa ugu damayn kalmadiisa kusoo gabagabayey Mahadnaq balaaran oo uu usoo jeediyey marti sharaftii kasoo qayb gashay Xaflada iyo Khudabadii looqabtay dowradan. Maxamuud Faarax Deer oo kasocday  Rugta Ganacsiga Puntland  ayaa Waxa uu khudaba ku dhiiri geliyey in isbedel laga dareemo Naftoodana marwalba  Hormariyaan . Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ka mid ah Issimada Puntland ayaa  kalmad dhiiri galin iyo dardaran ah ka jeediyey munaasabada.

Wasiirkii hore ee Maamul wanaaga Dowlad Goboleedka Puntland hadana ah Hormuudka Kulliyadda Culuumta Siyaasadda Jaamacadda Bariga Afrika Faraca Garoowe Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) oo Kalmad dheer ka soo jeediyey Xafladda aya ku Booriyey Khudabada Masaajidda ka faa’iidaystay tabarka iney Casharadii ay dowrada ku qaateen fuliyaan Masaajidadana laga dareemo isbedel. Gabagabadii Xaflada ayaa waxaa lagudoonsiiyey  Khudabadii loo qabtay tababarka Shahaadooyin.

Mu’assada Al-Minhaaj