+252 90 7798232 [email protected]

 

Galkacyo:- Xafiiska Dacwada Iyo Tacliinta Ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug ayaa Maanta Magaalada Galkacyo ka bilaabay olole balaaran oo lagu dhiiragelinayo Ardayda galaysa Imtixaanaadka sanadka waxbarasheedka 2017/2018.

Iskuulka Sare Ee  Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa noqday iskuulkii ugu horeeyay ee ololhan laga bilaabo saaka waxaana kalimaad dhiiragelin ah ka soo jeediyay Sheekh C/casiis Sh.Axmed ‘’Sh.C/casiis Garwaeyne’’ isagoona sheekha aad ugu dhiirageliyay dhammaan ardayd udiyaar garowga Imtixaanka.

Sheekh C/casiis Garweyne ayaa ardayda la wadaagay qisas dhiiragelin ah waxa uuna uga sheekayay sheekha ardayda heerarkii waxbarasho ee Magaalada Galkacyo ay soo martay iyo kaalmaha ay ka geli jireen Imtixaanadkii Dawliga ahaa ee ay ardaydu geli jireen.

Sidoo kale Sheekha ayaa waxa uu ardayda kaga digay isticmaalka badan ee Baraha Bulshada gaar ahaan Facebook Iyo Whatsup xilliyada Imtixaanka ,waxa uuna tibaaxay inay arday badan ka habsaamiyeen wax Akhriskii intii lagu guda jiray Diyaar garowga  imtixaanaadka.

Ugu dambeyntii Sheekh C/casiis Sh.Axmed ayaa ardayda ugu duceeyay in imtixaanka Alle ufududeeyo, kaalma horana ka galaan, isagoona sheekhu aad ugu soo cel celinayay in alle ay ardaydu tala saartaan dadaal iyo Juhdina ay la yimadaaan.

Si kastaba ha ahaatee ololahan uu bilaabay Xafiiska Dacwada Iyo Tacliinta Ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug ayaa soconaya inta harsan Gelidda Imtixaanaadka waxaana la filayaa in Arday badan oo wax ka barta gobalka Mudug ay ka faa’ideysan doonaan dhiirgelinta ay wadaan Culumada.

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Al Minhaaj Mudug