Jariiban:- Mu’assasada Al Minhaaj mudug ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay Deegaano hoos yimaada Degmada Jariiban ee Gobalka Mudug ka wadey qeybinta Mucaawino ka timid Xarunta Gargaarka Iyo Bani Aadantinimada Ee Boqor Salmaan ee Fadhigeedu Dalka Sacuudiga.
Raashinkan Mucaawimada ah ee la gaarsiiyay dadka danyarta ayaa waxay isugu jirtay Bur,Bariis,Sonkor,Saliid,Timir,Iyo Faasuuliyad,waxaana ka faa’ideystay dadwenye aad ufara badan oo saameysay Abaarihii dhawaan ku dhuftay Gobolada Puntland.
Deegaanada Raashinka Laga qeybiyay ayaa waxay kala ahaayeen
- Balibusle waxaa ka faaideystay 600 Qoys
- Seymade waxaa ka faa’ideystay 500 Qoys
- Jariiban waxaa ka faa’deystay 900 Qoys
Masuuliyiin ka socotay Xarunta Gargaarka Iyo Bani Aadantinimada Ee Boqor Salmaan ayaa sheegay in Deeq ay tahay deeq loogu talagalay dadka danyarta ee saameysay Abaarihii dhawaan ku dhuftay Deegaanada Hoos Yimaada Degmada Jariiban, waxayna sidoo kale mahad celin usoo jeediyeen Mu’asasada Al Minhaaj oo iyadu fulineysay Mashruuca qeybinta Raashinkaas.
Sidoo kale Gudoomiyaha Mu’assasada Al Minhaaj mudug Ustaad Axmed Maxamed Xirsi ‘’Faratooyo’’ ayaa uga mahad celiyay Xarunta Gargaarka Iyo Bani Aadantinimada Ee Boqor Salmaan soo gaarsiinta deeqdan Raashinka ah, wuxuuna gudoomiyuhu intaa ku darey in si cadaalad ah ay dadka kusoo gaarsiiyeen deeqdan loo soo wakiishay.
Gudoomiyaha Golaha Shuurada ee Mu’assasada Al Minhaaj mudug Dr Aadan Maxamed Cigaal oo isaguna ka mid ahaa wufuudii ku sugnaa goobaha raashinka lagu qeybinayay ayaa aad ugu amaanay walaalaha soo dhiibay mucaawimadan isagoona sheegay in xili munaasab ah ay kusoo aaday Deeqdaan.
Si kastaba ha ahaatee Mucaawinadan la soo gaarsiiyay dadweynaha ku dhaqan Deegaanada hoos yimaada Degmada Jariiban ee Gobalka Mudug ayaa iyaguna dhankooda aad usoo dhaweeyay waxayna mahad iyo Bogaadinba usoo jeediyeen walaalaha soo gaarsiiyay mucaawimadan Raashinka ah.
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Al Minhaaj Mudug