+252 90 7798232 [email protected]

Mu’assada Minhaaj Galdogob ayaa siminaar u qabatay Ardayda Jaamacadda Bariga Afrika Faraceeda Galdogob, Ardayda oo ku jirtay fasaxii simisterka dhexe ayaa siminaarka ku qaatay casharo kaabaya waxbarashadooda Jaamacadeed.

Siminaarka oo soconayey intii u dhaxasay 22—23/1/2015 ayaa waxaa bixinayey khubaro ku xeeldheer duruusta ay bixinayaan sida Dr Haashim Xasan Haashim oo kasoo Jeeda wadanka Sudan iyo macalimiin kale, Duruusta ayaa waxaa la socday Nashaadaad kala duwan oo aad Ardayda usoo jiitay.

Waxaa xusid mudan in Ururka ardayda ka baxday Machadka Bukhaari oo Mu’assasada ka caawiyey isu keenida Ardayda ayaa halkaa kasoo jeediyeen warbixin ay ku faahfaahiyeen waxqabadka Ardayda.

Si kastaba ha ahaatee Mu,assasada ayaa dhawaanahaan waday dadaal ay ku dardargalinayso waxbarashada iyo horumarinta Degmada Galdogob.

Xafiiska Warfaafinta ee Mu’asasada Al-Minhaaj (Galdogob)v

Siminaar Siminaar1 Siminaar2 Siminaar3 Siminaar4 Siminaar5 Siminaar6 Siminaar7 Siminaar8