Galabnimadii Jimcaha ee ku beegnayd 3/4/2015 ayaa waxaa ka dhacay xarunta Mu’assasada kulan balaaran oo ay soo agaasintay Mu’assasada Dacwada iyo horumarinta ee Alminhaaj laanteeda Galdogob.
Kulanka oo ay soo buuxdhaafiyeen guud ahaan qaybaha bulshada, hogaanka dhaqanka iyo waliba maamulka Puntland heer gobol iyo heer degmo, ayaa wuxuu ahaa mid ay bulshadu si fiican ugu riyaaqday.
Kulanka ayaa gabagabo u ahaa olole socday labo usbuuc oo bulshada deegaanka looga wacyigalinayey qabyaalada aafaysay dadka soomaaliyeed, labadaas usbuuc waxay Mu’assasadu qabatay muxaadarooyin, siminaaro, khudbooyin, dacwo Shaaric,booqashooyin goobaha waxbarashada iyo tuulooyinka iyo waliba kulamo goongooni ah oo bulshada loogu sharaxayey dhibaatada qabyaaladda.
Isla markaas waxaa kazoo qaybgalay Abuukar Cawaale Qaad-diid oo kulankaas uga hadlay dhibaatooyinka qaadka kaasoo daahfur u noqday ololihiisii dabragooynta qaadka oo mudo 3bari ah uu degmada ka wadey.
Guud ahaan bulshada ayaa aad usoo dhawaysay labada olole oo kulankaas midna lagu gabgabeeyey midna lagu daahfuray.