+252 90 7798232 [email protected]

Maalinimadii khamiista ee ku beegnayd 17/4/2015 ayaa mu’asasadu booqatay tuulooyinka Galdhuumood, Qansaxle, Jeexo, iyo Qanbuus. Tuulooyinkaas oo roobka Gugu si fiican uga da’ay ayaa waxaa usoo guuray reer miyi faro badan oo qaarkood ka yimaadeen dhulka riseefka ee kililka shanaad.

20150416_112324

Mu’asasada oo kaashanaysa isbitaalka guud ee degmada iyo MCH-ka ayaa waxaa la socday tiim isugu jiray dhaqaatiir, kalkaaliyaal iyo neersis, kuwaasoo u fidinayey adeeg caafimaad dadka degan tuulooyinka iyo reer miyiga yimaadaba, ayadoo daweynta iyo dawooyinkuba lacag la’aan ahaayeen, waxaa intaas dheeraa wayi galin caafimaad oo dhakhaatiirtu ugu sharxayeeen dhibaatooyinka jaadka, waxaana ka faaiidaystay ku dhawaad 150 qof oo rag iyo dumar iyo caruuba isugu jiray.

Dhinaca kale waxay ducaada iyo culumada Mu’assasadu u jeedinayeen dadkaas muxaadarooyin diini ah iyo wacyigalin taasoo looga hadlayey arimo badan oo ay ugu muhiimsanaayeen Salaada, ku shukrinta nimcada alle, maandooriyaha jaadka, sigaarka, tubaakada IWM.

Si kastaba ha ahaatee dadka ku nool deegaanadaas ayaa aad usoo dhaweeyey booqashadaas codsadayna in loo joogteeyo, halka mu’assasaduna qorshanayso inay samayso booqashooyin dheeri ah oo ku aadan deegaanada kale​.

20150416_104930 20150416_111736  20150416_121427 20150416_124141 20150416_150210

Ahmed Dheeli, Galdogob