+252 90 7798232 [email protected]

STOCKHOLM:-Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan Jaaliyada Soomaalida ee ku nool waqooyiga Yurub iyo nawaaxigeeda in la qaban doono Mu’tamarkii ama Shirkii Xagaaga ee sanad walba ka dhici jiray dalka SWEDEN. Mu’tamarkan oo ah kii 22aad, waa midka ugu da’da weyn mu’tamaraadka ay qabtaan jaaliyadaha Soomaalida meel walba ooy joogaan, waxaana iska leh qabanqaabadiisa Ururada Islaamiga ah ee wadamada Skandinavian-ka. Wuxuuna ka dhici doonaa sanadkaan magaalada Stockholm /Sweden, 07-10 August 2014 oo ku aadan ( Khamiis, Jimco, Sabti iyo Axad). Waxaana ka qayb qaadan doona culimo kala duwan oo ay ka mid yihiin:-
1- Dr. Sh. Cali Maxamed Salax Norway

2- Sh. Maxamed Cabdi Umal Kenya

3- Sh. Maxamed Idiris Saudi Arabia

4- Sh. Yusuf Axmed Sweden

5- Sh. Mustafe Xaaji Ismaciil Somaliya

6- Sh. Cabdiraxman Abyad Danmark

7- Sh. Saciid Raage Canada

8- Sh. C/wali Maxamed X Yuusuf Finland

9- Dr. Sh. Maxamud Abdiraxman (Hoori) Saudi Arabia

10- Dr. Sh. Haaruun Cabdiraxmaan Saudi Arabia

Cinwaanka mu’tamarka: Rinkebytorget 2 Spånga Stockholm

Waxaa si Live ah aad ugala socon kartaa  Mareegaha kala ah Mutamar.net, Halgan.net iyo weliba Paltalk

Wixii Faahfaahin ah: Masjidka: +4687955080
ama Mobile: +4673-7877136 ama Mobile: +46 737454804

FG: Waxaa la diyaariyay goobtii hurdada, laakiin horay usoo qaado gogoshaada jiifka.

Maamulka Mutamarka
Swedan,