+252 90 7798232 [email protected]

Malmö:-Waxaan idiin soo gudbineynaa muxaadaro gaar u ahayd dumarka oo uu Sheekh C/raxmaan Abyad uu ka jeediyey magaalada Malmo wuxuu cinwaan uga dhigay Xadiiskii Rasuulkeena CSW ” كلكم راع، وكلكم مسؤول عن رعيته
Muxaadarada ayaa waxaa soo qaban qaabiyey EUROPEAN MUSLIM ASSOCIATION IN MALMÖ waxaana muxaadarda lagu qabtay hoolka Somali Center ee magaalada Malmö.

Muxaadarada ayaa waxaa si Live ah daafaha dunida oo dhan looga daawanayey Halgan web Tv Station Broadcasting Live waxaana si maqal ah looga loogala socday Radio Halgan Live .Muxaadarada Sh C/raxmaan Abyad ayaa ahayd muxaadaro aad muhiim u ahayd .

Sheekh C/raxmaan Abyad Xafidahulaah ayaa aad ula dardaarmay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Malmö wuxuuna ugu baaqay in ay alle ka baqaan ayna gacmaha is qabsadaan una istaagaan si ay u caawin lahaayeen walaalahood abaaraha ay ku dhufteen.

Hoos ka Dhageyso Muxaadardii uu Sheekh C/raxmaan Abyad uu ka jeediyey magaalada Malmö ee dalka Sweden

Ama Halkan Mp3 Dhageyso

Xigasho.

mmHalgan.net
Malmö
Sweden