+252 90 7798232 [email protected]

Boosaaso:-Nadwo cilmiyeedkii ka socotay magaalada Boosaaso gaar ahaan Majidka weyn  Al-Rowda ayaa xalay waxaa ay gashay habeenkii labaad waxaan muxaadarada jeediyey  Sh.Maxamuud Maxamed Xaliike waxaana cinwaanka muxaadarada uu ahaa  Nifaaqa iyo Calaama dahiisa. Sheekh Maxamuud Xaliike ayaa muxaadaradiisa ku bilowday qeexitaan uu ku sameeyay waxa ay tahay Munaafaqnimo waxaa uu sheegay Munaafaq nimadu inay tahay in Qofku uu muujisto Wanaag iyo Khayr (inuu Muslim yahay ) islamarkaana uu qarsado shar ,xumaan iyo Gaalnimo.

Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliike oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka waramay Cadaabka Munaafaqiinta iyo in ay ka cadaab daran yihiin Gaalada caadiga ah, taasina ay ku tusinayso Aayadaha Quraanka iyo Axaadiitha Nabiga

Halkaan kadhagayso muxaadaradii uujeediyay Sheekh Maxamuud maxamed Xaliilke (Dhagayso)

2-Nifaaqa Iyo Calaamadihiisa Sh.Xaliiki

AL-MINHAAJ BOSASO

WWW.ALMINHAAJ.COM