+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa masjidka Alrowda bosaso si habsami ah uga socota nadwadii sanadlaha ahayd oo gashay habeenkii labaad waxaana darsiga qaybtiisa hore soojeedshay Sh Maxamed Macalim Axmed Waxaana Sheekhu Halku dhig Uga Dhigay (Mas’uuliyada kasaaran Goobaha Waxbarashada Toosinta Umadda).

Sheikh Maxamed Macalin oo kamid ah Culimada dadweynuhu jecel yihiin maxaadaradooda ayaa soojeedshay darsi qiimo badan islamarkaana xanbaarsan xikmado sheekhu sooxulay .

Sheekha ayaa kahadlay in ay jiraan goobo waxbarasho oo aan mas’uuliyad wanaagsan aysan iska saarin sidii dhalin yarada lagu jeclaysiin lahaa waxbarashada waxaana sheekhu Kadigay saamaynta ay leedahay in arday baasay imtixaanka laga jaro dhibcihii uu keenay  taas oo sababi karta in  ardaygaasi  kasaaqido waxbarashada.

Qaybta labaad  ee su’aalaha dadwaynaha iyo jawaabaha Culimada waxaa soojeedshay Sh Axmed Daahir Xasan/ Sh.Maxamed Cismaan Calasow Iyo Sh Dr Xasan Sh Cali Warsame   waxaana lawaydiiway in kabadan 15 Su’aalood kuwaas oo bulshadu faaiido wayn ka dhaxleen .

Su’aalahaan ayaa u badnaa qoyska  waxaana uu dabasocday darsigii habeen hore ee masuuliyada qoyska looga hadlay oo uu soojeedshay Sh Axmed Daahir Xasan Dhamaan Muxaadaraadkaan Waxaa Iyaga oo Maqal Iyo Muuqaal ah Kaheli Kartaan Www.Alminhaaj.com Iyo Www.Halgan.net

Nuur Jaamac Aadan Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada Alminhaaj