Waxaa Caawa Habeenkii labaad galay nadwa cilmiyeedkii Sannadlaha ahayd ee ka socotay Masjidka Wayn ee Rawda.
Ciwaanka muxaadarada ayaa caawa waxa looga hadlayay Wajiga dhabta ah ee jamaacada la baxday Al-Saadicuuna bil Xaq (الوجه الحقيقي لجماعة الصاغ) waxaana soo wada jeedinayay:
Sh.Daahir Aw Cabdi
Sh.Maxamed Macalim Axmed
Sh.Dr.Xassan Sh.Cali Warsame
Ugu horrayn waxaa muxaadarada qaybteeda hore soo jeediyay Sh.Daahir Aw Cabdi, sheekhu waxa uu hadalkiisa ku bilaabay ka warramidda wakhtiga ay soo bilowdeen firqooyinka lunsan, wuxuuna tilmaamay in ay ugu horreeyeen kooxaha Khawaarij iyo shiico.
Intaa kadib waxa Sheekhu uu ku dheeraaday khawaarijta, waxa ay aaminsanyihiin iyo qaybohooda.
Sheekhu hadalkiisa asagoo sii wata waxa uu ka warramay markii ay duntay khilaafadii cusmaaniyiinta in ay soo bexeen dhaqdhaqaaqyo u istaagay in ay soo celiyaan dawladdii islaamiga ahayd, waxa uuna tilmaamay in dhaqdhaqaaqyadaa kuwooda ugu horreeya ay ka mid ahayd xarakadii Akhwaanul muslimiin, xarakadaas oo xooggeedu ka hanaqaadday dalka Masar, wakhtigii Jamaal cabdinaasir Wuxuu xabsiyada ku guray rag badan oo kamida akhwaanul muslimiin, dhalinyaradii xabsiyada lagu guray baa markii ay u adkaysan waayeen ciqaabtii iyo jirdilkii ayaa waxaa ka dhashay koox la magac baxday jamaacatul muslimiin oo loo yaqaanno jamaacatu takfiir wal hijra, kooxdaas oo afkaarteedu soomaaliya soo gaartay toddobaataneeyadii qarnigii tagay.
Kadib waxa uu sheekhu tilmaamay jamaacada hadda la baxday (الصادعون بالحق) In ay yihiin qayb ka mid ah takfiirkii xilligaas soo bilowday oo u qaybsamay laba qaybood .
Waxa uu sheikh tilmaamay in kooxda ooo afkaarteeda qarsanaysay mudo dheer, uusan wali is badalin afkaartooda takfiiriga ah, taas oo uu ka muuqato bayaanka labaad ay soo saareen, waxaana ka mid ah hadalada takfiiriga ah ee bayaan kooda ku jiray.نرى أن البشرية بجملتها في حاجة إلى أن يعرض عليها الإسلام من جديد، حتى في هذه الرقعة التى يطلق عليها العالم الإسلامي، وحتى هؤلاء الناس الذين يعتبرون أنفسهم مسلمين.
Waxaan u argnaa in dadka hadda islaamka loo ban dhigo xitaa dhulalka islaamka, xitaa kuwa naftooda u haysta inay muslimiin yihiin.
وقد ارتدت شعوب العالم كلها إلى الجاهلية التي جاء الإسلام ليخرجها منها.
Wey riddoobeen dhammaan shucuubta caalamka ku nool, waxayna u riddoobeen jaahilnimo.
Shiikhu wuxuu tilmaamay in kalmadda riddo loo isticmaalo oo keliya qof muslim ah oo diintiisii ka tagay, taasoo ku tusinaysa inay u arkaan dhammaan dadka muslimka ah oo aan fikradooda aaminsanayn kuwo diintii ka tagay.
Intaa kadib waxaa muxaadarada qaatay sh.maxamed calin maxamed shiikhu wuxuu aad ugu dheeraaday khatarta ay leedahay in qof muslim ah lagaalaysiiyo wuxuun aad uga digay in uu qofku kudhiirado gaalaysiintiisa , ugu danbayn waxaa muxaadarada soo gabagabeeyey DR, xasan sheikh cali warsame DR. wxa uu kawaramay afkaartay ay aminsanyihii qolyahaan labxay الصادعون بالحق waxaa uuna kudheeraaday in ay nimankaan yihiin takfiir isqarinaaya , wxuuna timaamay in bulshada soomaaliyeed loogabaahanyahay in ay meel ugu soo wada jeestaan [nggallery id=54]
Hooska Daawo.
Nuur Jaamac Aadan Bosaso