Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf oo isagu lahaa darsiga afaraad ee nadwada ayaa caawa soo jeediyay Cashar Ciwaankiisu ahaa Dhibaatooyinka
Carabka.
Shiikha oo darsiga gudagalay ayaa ugu horayn cadeeyay Muhiimada Carabku leeyahay waxa uuna sheegay Shiikh Maxamuud in sida Xadiithka kusugnaatay Marka Qofka Binu Aadamka ah uu waabaraysto Dhamaan Xubnaha jirku ay u hoganayaan Carabka iyaga oo ku oranaya war ilaahay nooga baq maxaa yeelay inagu adiga uubaan kugu gawracannahay hadii aad toosnaatid waan toosnaanaynaa, hadii aad qaloocatidna waan qaloocanaynaa.
Dhanka kale shiikhu waxa uu sheegay in carabku Qofka u usoo jiidi karo wanaag wayn ama Xumaan wayn waliba hal weedh oo uu ku hadlo kaliya.
Abuu hurayra Alle haka raali noqdee waxaa uu Nabiga ka wariyay :
“Adoonku waxaa uu ku hadlayaa kalmad alle raali galinaysa oo uusan ka
fiirsanayn Allana waxaa uu kor ugu qaadaya Darajooyin , sidoo kale
Adoonku waxaa uu ku hadlayaa Weedh Alle caragalinaysa oo uusan ka
fiirsan waxaana uu ugu hoobanayaa Jahamo”.
Intaa ka dib shiikhu waxa uu aad ugu dheeraaday qaar ka mid ah dhibaatooyinka carabka sida:
1-Xanta : oo ah Walaalkaa wax uu nacayo inaad ku sheegtid Allana kor
ahaaye wuxuu yiri : “Qaarkiin qaarka kale yaysan xamanin qofkiin ma
jecelyahay in uu cuno Hilibka Walaalkiisa oo bakhti ah…”
2- Beenta: oo kamid ah waxyaabaha ugu waawayn ee Naarta lagu mutaysto , isgoona shiikhu uu sheegay inaysan sina u banaanayn , marka laga qaybaha ay culimada ka reebaan.
3-Hadal Xumada : oo qaybo fara badan leh ayna soo hoos galayaan ku
jees jeeska Dadka , waxa Baadilka ah oo lagu hadlo , ilaahay wax kasoo
haray oo lagu dhaarto iyo kuwo kale oo fara badan oo ay kamid yihiin
Shirkiga iyo Qofku wax uusan aqoon in uu iska sheego ama fatwoodo.
4-Cayda ama Naclada : oo ah shay aad u qurmuun, ilaahayna uusan jeclayn, waxaana nabiga ka sugnaatay in uu yiri : “Dadka caytama Maalinta Qiyaame shufaco iyo markhaatiyaal midna ma noqdaan.
Sikastaba ha ahaatee Nadwada ayaa Casharka ka dib Waxaa Culimada
lawaydiiyay Qaar kamid ah Su’aalihii Dadwayanaha waxaana Su’aalaha
Caawa ka jawaabayay :
Sh.Daahir Aw Cabdi
Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf.
Iyo Sh.C/raxmaan Bukhaari.