+252 90 7798232 [email protected]

Habeenkii Talaadada ayay ahayd markii Markazka Al-Rawda ee Magaalada Bosaso ay ka bilaabatay Nadwadii 12aad ee lagu qabto Magaalada Bosaso, iyadoona Caawa  gashay habeenkeedii 3aad , waxaana darsiga caawa oo ku saabsanaa Akhlaaqda Wanaagsan soojeediyay Shiikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur.

Shiikh Fu’aad oo guda galay darsiga ayaa waxa uu sheegay in hal fadhi ama hal Muxaadaro aan lagusoo koobi Karin Akhlaaqda Wanaagsan oo ah mid aad uguda wayn,  waxaana uu sheegay in uu wuxuun ka taaban doono Akhlaaqda Wanaagsan.

Shiikha oo Hadalkiisa sii Wata ayaa waxa uu ka hadlay Akhlaaqda Wanaagsan iyo Qiimaha ay ku fadhido , sigoo sheegay  In Anbiyadii Alle uu soo diray dhamaantood ahaayeen kuwo Akhlaaq wanaagsan, Nabi Muxamedna Alle ayaaba  Quraanka ku sheegay in uu Akhlaaq Wanaagsan leeyahay sida Suuratul Qalan Alle ku sheegay , Nabi Muxamed waxaa laga wariyay in uu yiri : “Waxaa la ii soo saaray si aan u dhamaystiro Akhlaaqda teeda wanaagsan”

 

O78

Caaisha Umul Mu’miniin waxaa laga wariyay in ay tiri : “Nabiga Dhaqankiisu waxaa uu ahaa Qur’aanka” .

Shiikh Fu’aad waxa  uu sidoo kale sheegay in Makaanada ama Booska Diinta Islaamku ay dajisay Akhlaaqda Wanaagsan uu Yahay Maqaam sare oo aad loo ilaaliyay.

Intaa Kadib Shiikhu waxa uu Tusaale Usoo Qaatay Qaar kamida Akhlaaqda Wanaagsan Ee Ladoonayo Inuu Ku Sifoobo Qofka Muslimka Ah :

1-Raxmada (Dhimrinta ama Naxariista) : Shiikha Oo Tusaale Usoo Qaatay Ayaa Yiri: Raxmadu waa Dhaqan wanaagsan Qof walba oo Muslim ahna looga baahanyahay in uu ku sifoobo , isaga oo uga dayanaya Rasuulka Salalaahu Calayhi Wasalam , maadama Rasuulku uu ahaa mid Naxariis badan,  isaga oo Tusaalayaal badan usoo qaatay Naxariista Nabigu uu unaxariisan jiray (Caruurta , Masaakiinta , Xayawaanaatka , Dadka Da’da ah iyo waliba Gaalada).

2-Sabirka (Adkaysiga) : shiikha ayaa yiri : Adkaysigu waa Dhaqankii Anbiyadii Alle waana waxyaabaha Qofku uu ku gaari karo Hogaaminta,  Adkaysiguna waa arin Diinta Islaamku ay boos wayn dhigtay Allana waxaa uu la jiraa Dadka Adkaysta.

3-Xilmiga (Dulqaadka) , Shiikha oo tusaalayaashii Akhlaaqda Wanaagsan sii wad ayaa yiri: Dulqaatku waxaa uu kamidyahay Sifaata Alle subxaanahuu watacaalaa , sidoo kale waa Dhaqankii Rasuulka,  waxaana uu shiikh Fu’aad soo qaatay Tusaalooyin fara badan oo uu ku muujinayay Muhiimada uu leeyahay Dulqaadku.

Shiikh Fu’aad ayaa waxaa uu ku dheeraaday Dulqaadka isaga oo sheegay inay tahay ujeedka uu ugu dheeraaday si bal soomaalidu wuxuun u qaataan.

Shiikhu Gabagabada Hadalkiisa waxaa uu Bulshada Soomaaliyeed kula dardaarmay inay ku tilmaamnaadaan Dhaqankaasi wanaagsan ee Dulqaadka,  hadii Dulqaad ay muujiyaanna insha alaah ay hawshoodu dagayso.

Intaa ka dib waxa loo gudbay Qaybtii labaad ee darsiga caawa oo ahayd Ka Jawaabid Su,aalihii ay Dadwaynuhu Usoo Gudbiyeen Culimada,  waxaana Caawa Su,aalaha Ka jawaabay Shiikh Maxamuud Muxamed Xaliike iyo Sh.C/raxmaan Muxamed Dhawro (Sh.C/raxmaan Bukhaari) .

Iskusoo Wada duuboo Waxa Caawa ay Nadwadu Kusoo Gaba gabowday Jawi aad loogu Riyaaqay.

Halkaan kadhagayso

3-Akhlaaqda Wanaagsan Sh.Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuuri