+252 90 7798232 [email protected]

15785554_1498780586803605_757968890_oGaroowe:– Akhristayaasha sharafta leh ee Halgan.net iyo Al-Minhaaj waxaa ku wargalineynaa in caawa magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ay ka bilaaban doonto Nadwo kooban oo looga hadli doono xaalada Puntland waxaana nadwada si toos ah uga dhageysan karaan Radio Halgan Live iyo idaacada Islaamiga ee Al-Xikma ee ka howlgasha deegaanada Puntland waxaana ay idaacada Islaamiga ee Al-Xikma ay xarumo gaaraya 13 ku leedahay Puntland waxayna baahisaa duruusta Diini ah iyo adeega bulshada .

Nadwadan ayaa waxaa ay ka bilaaban doontaa Masjidka Al-Huda ee magaalada Garoowe waxaana ka soo qeyb gali doono culumo kala ah. وإذ قالت أمة منهم لم تعظون قوما الله مهلكهم أو معذبهم عذابا شديدا قالوا معذرة إلى ربكم ولعلهم يتقون ee Suuratul Acraaf.

1-Sh Maxamuud Xaji Yuusuf
2-Sh Suldaan Cabdiqani Qorane
3-Sheekh Jaamac Saciid Ciise
4-Sh Cabdirashiid Maxamed Ismail iyo culumo kale

Nadwadan ayaa waxaa isku soo duba riday Musasada Al-Minhaaj faraceeda gabalka Nugaal waxaana hadii alle idmo aad si live ah uga boqan doontaa Radio Halgan Live iyo Idaacada Al-Xikma Inshalaah. Nadawada ayaa waxaa ay culuma Cinwaan uga dhigeen aayada qu,aanka ah Ee.[nggallery id=39]

Waxaa kale oo aad si sahlan ugu shuban karaan telkooda gacanta Radio Halgan Live Google Play hadii uu yahay telfanka aad heysato nooca Android hadii aad heysato Apple waxaad ka soo gishataa App Store .waxaad ku qoreysaa (Radio Halgan Live) waa free wax lacag ah maaha . Halkan ka Dajiso Radio Halgan Google Play Halkan ka Dajiso Radio Halgan Live App Store

Radio Halgan Live waa Idaacad Islaami ah uu soo tabin doonta Inshalaah Duruusta iyo Nadwooyinka Culumada waxaana ay bahwadaag ku yihiin faafinta Dacwada Radiyaasha Al-Xikma oo ka howlgala deegaanada Puntland .

Waxaa kale oo aad duruusta iyo towjiihaadka culumada aad si dhib yar aad uga dhageysan kartaa Radio TuneIn oo aad soo gishan karto telfankaaga gacanta.Radio TuneIn ka dib meesha ay ku taal Search ku qor Radio Halgan Live . Alle waxaan ka baryeynaa in acmaasheen uu ka dhigo mid kaligiisa khaalis u ah Aaaamiin

Hoos ka Dhagayso si live ah Radio Halgan iyo Idaacadda Radio Al-xikma

ama Halkaan ka Dhagayso

Halkan Ka Dhageyso Radio Halgan Live.

Maamulka Radio Halgan Live