Gaalkacyo:-Nadwadii sanadlaha ahayd ee ka socotay magaalada gaalkacyo oo habeenkeedii labaad gashay: Gaalkacyo.Sida Ku Heleena Warbixinta waxaa habeenkeedii labaad gashay Nadwado cilmiyeeddii 6aad ee kasocotay magaalada Gaalkacyo ee xaruna Gobalka Mudug , iyadoo xalay cinwaanka muxaadaradu uu ahaa Macsida iyo raadka xun ee ay kuleedahay bulshada, waxaana soo
jeediyay Sh, Aadam Muxamed Cigaal . Shiikha ayaa kahadlay macsiyada waxa ay tahay sharci ahaan iyo luqa
ahaanba,wuxuu sidookale shiikhu kahadlay qaybaha dunuubta Ay U Qaybsamaan Macsiyada Sida Kuwa Waaween Iyo Kuwa Yar Yar .
Intaa ka dib shiikhu waxa uu aad ugu Dheeraaday waxyaabaha keena macsidaya iyo waliba dhibaatooyinka laga dhaxlo macaasida , isagoo ka digay raadadka xun xun oo ay ku keeni karto bulshada iyo waliba
deegaanka, kuna booriyay bulshada inay ka hortagaan , ayna uga hortagaan qof walba siduu awoodi karo, isagoo cadeeyay hadaan sidaasla yeelin dhibaatada ka dhalata macaasida aysan ku koobnaan doonin cidii samaysay Kaliaya Ay Wada Saameen Doonta Bulshada Ku Dhaqan Goobaha Ay Kasocta Macsida.Ugu danbayn shiikhu waxaa uu hadalkiisa kusoo gabagabeyay Qaabka Looga Toobad Keeni Karo macasida isagoo sheegay Dhawr Arimood
In Laga Fogaado Wax Waliba Oo Gogal Xaar U noqon kAro Macsida. Aragti Ayay Ka Bilaabataa Waxay U Gudbisaa Qalbiga Damacana Markaasi ayuu Imaanaya Kadibana Inaad Lugaha Indhuhu Waay Ka Dhacaan Macsida Waa Hadaad Eeg Eegtaa Waxuunsan Alle Raali Ka Eheen Iwm Ugu Dambentii muxaadaradan oo aheyd tii labaad ayaa waxa ka soo qayb galay
dhagaysigeeda dad wayne aad u fara badan , iyadoo sidoo kale laga dhagaysanayay goobo badan taas oo ay fududaysay idaacada quraanka kariimka ee al- xikma
Sawirada Culimada Kasoo Qaybgashay Nadwadaani waxaa Kamid Ah Culimada Ku Qoran Hoos Ka Eeg iyo Magacyadooda
1-Sheekh C/casiis shiikh Cali.
2-Sheekh Aadam Muxamed Cigaal.
3-Sheekh Muxamed Macalim Axmed.
4.Sheikh C/casiis Axmed Aadam.
Culumada ayaa inta ay nadwadu socoto soo jeedin doona canaawiin ay ka mid yihiin:-
• فضل العلم وآداب المعلم والمتعلم
• المعاصي وأثرها السيء في المجتمع
• إصلاح القلوب أهميته وعلاجه
• أحكام الصيام
• التوبة والرّجوع إلى الله مع الختام.
Intaa ka dib shiikhu waxa uu aad uga hadlay aadaabta looga baahan yahay macalinka iyo ardayga. Nadwadan ayaa sida lagu wado socondoonta muda shan maalmood ah.
alminhaaj.com
Galkacyo Somaliya