Galkacyo: waxaa habeen nimadii xalay ahayd taariikhduna kubeegnayd 22/06/2014 Kabilowday masjidka weyn ee ramaad magaalada gaalkacyo nadwo cilmiyeed kii 6Aad oo lagu qabto magaalada gaalkacyo ee caasimada gobolka mudug ,
Nadwadaa oo intay socoto lafilayo in lagusoo qaado mawaadiic muhiim ah oo ay kamid yihiin
- فضل العلم وآداب المعلم والمتعلم
- المعاصي وأثرها السيء في المجتمع
- إصلاح القلوب أهميته وعلاجه
- أحكام الصيام
- التوبة والرّجوع إلى الله مع الختام.
Xalay o ahayd habeen ki 1Aad waxaa galay Shiikh C/casiis shiikh Cali waxaana uu soo jeediyay, mowduucii ugu horeeyay ee nadwada, oo ah Fadliga cilmiga iyo aadaabta looga baahan yahay macalinka iyo ardayga.
Ugu horayn waxaa sheekhu aad ugahadlay fadliga uu cilmigu leeyahay isagoo soo qaatay adilo badan oo cadaynaysa fadliga cilmiga iyo barashadiisa intaa ka dib shiikhu waxa uu aad uga hadlay aadaabta looga baahan yahay macalinka iyo ardayga. Nadwadaan oo sida lagu wado waxay socon doontaa mudo shan maal mood ah