Wacyi galinta joojinta Qaadka Soomaaliya oo labadii bilood ee lasoo dhaafay ka socday deegaanadda Puntland ayaa gaaray degmada Galdogob oo ka tirsan Gobalka Mudug, halkaasoo lagu qabtay kulan lagu soo dhawaynayo Olalahan uu wado Abuukar Cawaale Qaaddiid.
Shalay galinkii danbe xarunta Musa’sadda Al-Minhaaj ee Galdogob ayaa waxaa lagu qabtay kulan Olalaha la-dagalanka Qaadka lagu soo dhawaynayo, kulankaasi waxaa joogay mamulka degmada Galdogob, mamulka Gobalka Mudug, Culimadda Deegaanka iyo dadwayne kale oo isagu jira ragg iyo dumar, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin in umadda Soomaaliyeed laga bad baadiyo dhibaatooyinka uu Qaadku ku hayo taasoo ugu horayso dhaqaale bur bur iyo Qoys Burburin.
Shiikh Axmed Cabdisamad oo ka mid ah culimadda ugu waa weyn Soomaaliya ayaa soo jeediyay shacabka Soomaaliyeed inay muhiim u tahay inay dowr ka qaataan bad baadinta Carruurta soo koraysa, isla markasna Qaadka iyo Qabyaaladda lagala dagaalamo, Olalaha Abuukar Cawaale ayuu ku sheegay inuu yahay mid loo baahan yahay.
Dhinaca kale Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka oo ay la socdaan Gudoomiyaha Gobalka Mudug, kan degmada Galdogob iyo gudoonka waxbarashada ee degmada ayaa saaka booqday dhowr iskuul oo ku yaala magalada, waxayna gaarsiiyeen fariinta wacyi galinta joojinta Qaadka Soomaaliya.
Abuukar Cawaale Qaaddiid oo khudbad u jeedinayay Ardaydda Dugsiga hoose,dhexe iyo sare ee Galdogobayaa sheegay olalaha la-dagalanka Qaadka inuu yahay wacyi galin lagu doonayo in dadka loogu sheego Qaadka dhibaatooyinka uu nagu hayo iyo faa’iidooyinka ay dalalka Kenya iyo Itoobiya dadka Soomaaliyeed ku qabaan.
Ugu danbayntii mamulka degmada Galdogob iyo Ardayda ayaa go’aan ku gaarayinay sii xoojinayaan Olalaha la-dagalanka Qaadka oo hada ku wajahan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya.
DHAMMAAD