Wacyi galinta la-dagallanka Qaadka Soomaaliya ayaa gaaray maanta oo Tallaado ah Dhammaan iskuulada wax lagu barto iyo Jaamacadda Barifa Africa oo ku yaala magalada Buuhoodle ee xarunta Gobalka Cayn.
Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale oo la kulmay mamulka iyo ardayda Dugsiga hoose dhexe, iyo sare ayaa sheegay inay muhiim tahay reer Buuhoodle inay dareenkooda ka dhiibtaan aafooyinka qaadka uu qoysaska Soomaaliyeed ku hayo si looga baaqsado dhaqaalaha faraha badan ee sanadka Qaadka ku baxa.
Iskuulada uu tagay waxaa ka mid ah Dugsiga sare ee Hawd, Darwiish, waxana ku weheliyay Gudoomiyaha Gobalka Mudug, Gudoomiyaha Gobalka Cayn, Gudoonka waxbarashada iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Buuhoodle, ardayda uu la kulmay ayaa balan qaaday inay wacyi galinta joojinta qaadka ay gaarsiin doonaan deegaanada Gobalka Cayn.
Gudoomiyayaasha Cayn iyo Mudug ayaa dhankooda sheegay inay muhiim tahay hal meel inay shacabka uga soo wada jeestaan waxa dhibka ku hayo oo uu ka mid yahay maandooriyaha Qaadka kaasoo Soomaaliya uga yimaada Dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Sidoo kale wacyi galinta la-dagalanka Qaadka aya waxaa soo dhaweeyay Isimadda Gobaladda Sool iyo Cayn, kuwaasoo sheegay inay dowrkooda ka qaadan doonaan.
Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofo, Boqor Cabdilaahi Daba-gooyo iyo Garaad Saleebaan ayaa ku taageeray Abuukar Cawaale iyo kooxdiisa la-dagalanka Qaadka Olalahan wacyi galinta ah ee ay Buuhoodle ka bilaabeen waxayna ugu duceeyeen inuu illaahay ku guuleeyo in qaadka dalka oo dhan laga waayo.
Olalahan wacyi galinta la-dagallanka Qaadka oo uu dalka ka bilaabay Abuukar Cawaale ayaa guud ahaan laga soo dhaweeyay dalka iyo dibadda waana barnaamij dadka Soomaaliyeed loogu iftiiminayo qaadka iyo dhibaatooyinkiisa.
DHAMMAAD
Ollaha la-dagallanka Qaadka Soomaaliya.
