+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kasocday Gudaha Caasimada Puntland Ee Garowe Olole Guud ahaan bulshada gaar ahaan Dhalinyarada  loogadigayay khatarta Tahriibka.

Ololahaan oo uu waday aqoonyahan Soomaaliyeed oo kayimid wadanka Masar ayaa bilaabay kadib  markii uu kanaxay dhibka iyo dhimashada ay lakulmaan Ubixii wadanka kuwaas oo in badan oo kamid ah kudhintaan saxaraha halka kuwa kale na Qaybaha Muhiimkaa Ee jirkooda sibareer ah loo iibsado .

Ololaha Aqoonyahan Cabdi Naasir  oo ay gar wadeen katahay Mu’asasada Al-Minhaaj Xafiiskeeda Gobolka Nugaal ayaa maantay lagu soo bandhigay Mac-Hadka Dr Axmed ee  Garowe  waxaana ardayda wax kabarta ay la dhaceen fariintaan qaaligaa iyo warbixintaa walal nimo waxayna u mahadceliyeen Tababare Cabdi Naasir Ibrahiim iyo Mu’asasada ALminhaaj oo howshaan wanagsan isku Xilqaamay,

Aqoonyahan Cabdi Naasir Ayaa mudadii uu ardayda lahadlayay waxaa uu soo bandhigay muuqaalo kahadlaya dhibka qabsaday dadka tahriiba  isagoo sooqaatay dadjirkooda lagu sameeyay qaliin  islamarkaana lagalabaxay in tii ugu muhiimsanayd jirkooda.

Waxaana dhanka kale uu soo bandhigay quruxda iyo hantida dhulkeena taal isagoo ardayda ku booriyay in wadanka laga shaqays to oo layska daayo fadhi ku dirirka Iyo Qabyaalada .

Waxaana larajaynayaa in maalmaha soo socda  uu sii wadi  doono Ololahaan iyadoo Aqoonyahanku uu balan qaaday in uu mari doono meel walba oo uu awoodo Dhamaan Dalkoo dhan Isagoo U mahadceliyay Maamulka Macalimiinta Ardayda Machadka Dr Axmed Iyo waliba Mu’asasada AL-minhaan oo uu sheegay hadii aysan Garabtaagnayn Alminhaaj In Aysan qabsooteen Shaqadaan Baaxada Leh .

Nuur Jaamac Aadan Xafiiska Warbaahin

Mu’asasada ALminhaaj Puntland

[email protected]

DSC_0371 DSC_0373 DSC_0377 DSC_0390 DSC_0409 DSC_0410 DSC_0428 DSC_0435 DSC_0475 DSC_0515 DSC_0517 DSC_0522 DSC_0539