Boosaaso : saakay oo taariikhdu ku beegnayd 15/ 05/ 2015 ayaa waxa booqday xarunta ay ku jiraan dadka kasoo qaxay dalka yamen qaar ka mid ah culimada ugu cansan Soomaaliya sida Sh Daahir Awcabdi iyo Sh Maxamed Macalin Axmed.
Booqashadaan culimada ayaa waxa horkacayay Gudoomiyaha guud ee Mu’asasada al-minhaaj Maxamed C/laahi Cabdule, iyadoo uu aha aula jeedka Booqashada culimada ee xerada u kuur gelidda xaaladadda nololeed ee shacabka dhibaataysan eek u jira xaruntaas.
Xarunta dadka kasoo qaxay dalka yamen ayaa hada waxa ku jira 1500 oo qaxooti ah oo isugu jira rag, dumar carruur iyo dad da’ah, waxa ayna u badan yihiin carruur iyo dumar, iyadoo Intooda badan ay ku wajahan yihiin gobolada koonfurta Soomaaliya, balse ma haystaan dhaqaale ay ku raacaan gaadiidka aada magaalooyinka goboladaasi
Sheekh Daahir Aw-Cabdi oo ka mid ahaa culimadii maanta booqday xerada ayaa halkaas ka jeediyay hadal qiiro leh, isagoo sheegay in loo baahan yahay dadkan loo gurmado , looguna deeqo dhaqaale lagu geeyo meelaha ay doonayaan.
Shiikha oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay dhamaan umada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan inay ugurmadaan dadkan tabaalaysan.
Sh Maxamed macalin oo isna ka hadlay madasha ayaa isaguna sidoo kale ku dheeraaday sidii wax loo tari lahaa dadkan qaxootiga ah, ayna u raacday iyadoo lagu jiro waqti kulayle ah.
Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Cabdullaahi Qoobdeero oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in gaadiidyada daabulaya qaxootiga la siin doono waraaqo muujinaya inay ka yimaadeen Puntland, isagoona ka codsaday maamulada ka jira dalka iyo dawladda federaalka in gaadiidyadaasi aan la weyndiin lacago canshuur ah.
Intaas ka dib waxa ay gudiga gurmadka qaxootiga dalka yamen ku dhawaaqeen lambarada uula sooxiriiri karo qofkii wax la baxaya, iyo akoonada lacaga lagu shubi karo:
Telefoonada lala soo xiriiri karo:
1- Shekh Daahir Aw-Cabdi 252 907 726104
2- Sheekh Maxamad Macallin 252 907 796364
3- Sheekh Axmad Yuusuf Daad oo ah gudoomiyaha gudiga gurmadka lambarkiisuna yahay 252 907 793171
Akoonada lacaga lagu shubi karo:
Dahabshiil Bank: BSSD 005341
ama Salaam Bank:80125795
ama sahal akoon 445941