+252 90 7798232 [email protected]

Bismilaah , salaan iga gudooma suubanaheenana Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaate ku saliya , baryahan waxaan aad ku arkayay dad aflagaadaynaya culimadda iyo Kuwa war xun ka faafinaya hadaba wararkaas maxaa dhab ka ahaa ?

Warka badankiis oo ragu soo qorayeen wuxuu ahaa mid aanay waxba ka jirin tusaale qof ayaa soo dhigay bartiisa bulshadda ee fbga isaga oo leh culimadii boosaaso ku qabatay Nadwadda Dad ayay gaalaysiiyeen Warkaasi oo ahaa mid aanay gabi ahaan waxba ka jirin culimadana ay cadaynayeen Xukunka islaamka ee Iska dhexgalka ragga iyo dumarka iyo xafladaha tumashadda ah .

Dad noocee ah ayaa culimada ku been abuuranayay ?

Guud ahaan dadka culimada ka been abuuranayay Dhowr nooc ayay isugu jireen waxayna ahaayeen :

B)Dad diinta faham khaldan ka haysta oo ah kooxaha xagjirka loo yaqaano oo isku dirka culimada iyo shacabka dantooda ay tahay .

T)kooxo calmaaniyiin ah oo aan culimadaba ogolayn isna muujin Karin oo doonaya in ay shacabka kusoo dhuuntaan .

J)koox dan siyaasadeed ku fushanaysa oo rabta in ay culimada ku daba gabadaan .

Intaas oo nooc ayay isugu jireen kooxaha culimada been abuurka ka faafinayay , waxaase la yaab lahayd in dad badan oo aqoonyahano ah oo bahda waxbaratay ku jira ay ku dagmeen dabinadaas danaha guracan ka danbeeyaan .

Horay hadii uu kuugu dhuuntay midka culimada been abuurka ka faafinaya yuusan hadda kuu dhuuman ee ka dheeroow .

Culimadeena sharafta badan guud ahaan soomaali si gaar ahna culimada Deegaanadda Puntland oo baryahan iyaga si gaar ah aan u arkayay dad aan afkoodu qaban oo wax ka sheegaya miyaanay ahayn

1)Culimadii markii duufaanadii ba’naa ee Tropical Cyclone taas oo dad iyo duunyaba ku rogmeen puntland ku dhufteen dadku ku baxsadeen oo Madaxweynihii hore ee Pl Dr Faroole iyo Midka Hadda Dr Gaas ay wada qireen in culimadu ay ahaayeen kuwii PL badbaadiyay .

2)Duufyaantii Hyan ee iyana ka danbaysay taas markii ay PL ku dhufatay miyaanay culimado ahayn kuwii dal iyo dibadba dhaqaalaha reer puntland uga keenay ee badbaadiyay reer guuraagii PL .

3)Buundada midigar ama Sun-jiif ee isku xirta dakada Boosaaso iyo qaybaha kale ee soomaaliya markii ay go’day Culimadu miyaanay ahayn dadkii gacantooda ku dhisay oo har habeenba usoo jeeday in ay dhisanto buundadaasi oo aan xitaa ogahay in culimada qaarkood oo culuumta Engneering kusoo takhasusay ay Engneero ka ahaayeen .buundadaas oo uu ku baxay dhaqaale aad u fara badan waxaana gudoomiye u ahaa gudiga Buundada dhisay Shiikh Maxamuud xaaji Yuusuf .

4)Wadada isku xirta ceeldaahir ilaa ceerigaabo oo dhaqaale aan yarayn lagu dhisayo culimadda PL ayaa hormuud ka ah waana kuwa har iyo habeen dhaqaale u raadinteeda iyo dhismaheeda usoo jeeda .

5)Abaartii gobalka Gedo ka dhacday Culimada Puntland miyaanay ahayn kuwii boqol kun oo dollar ku wareejiyay .

Hadaba waxaan is waydiin mudan Kuwa leh Culimada ayaa sidaas Ah maxay Soomaali oo idil si gaar ahna PUntland u tareen ?

Su’aashaas jawaabteeda idinka ayaa idinkaga tagayaa laakiin waxaa iska cad in kuwa doonaya in culimadeena iyo bulshadeena ay iska hor keenaan in aan boos u banaanayn waxaana leenahay culimadeenu waa na matalayaasheena waana kuwa xanbaarsan diinta alle oo booskii Suubanaha NNKH ayay joogaan waana midaysannahay .

Qore :Sakariye Nuur Faarax

E-mail:[email protected]

Garowe ,Puntland-Somalia