+252 90 7798232 [email protected]

Roobdoontaan oo ay horay ugu baaqeen wasaarada diinta iyo owqaafta puntland iyo hayada al minhaaj dacwada iyo horumarinta faraceeda gobolka nugaal ayaa ugudanbayntii waxaa kasooqayb galay  dad kor udhaafaya 1000 ayaa lagu tukaday  laba rakcadood oo salaada roobdoontaa waxaana halkaas kahadlay culima owdiin macg kuleh bulshada isimo wasiiro  iyo  mas uuliyiin kasocotay gobolka waxaa sidoo kale goobta kahadlay culimo udhalatay dalka bangaaladheesh oo tabliiq kutimid puntaland ayaa iyaguna kaduceeyay goobta waxaana ugu danbayntii salaada tujiyay  Sheekh maxamuud xaaji yuusuf salaada kadib sheikh oo bulshada lahadlay ayaa uubaaqay in umadu is cafiyaan ilaahna kabaqaan sidoo kale waxaa sheekhu ugu baaqay dhamaan bulshada wax haysata in ay isku kaalmeeyeen waxay hays taan waxaana uu sheekhu xusay in ay ogaadaan dhamaan wixii dhib ah oo inagu dhaca in aytahay  ciqaab allaah waxayna kutimid waxaan gacmaheena kukasbanay, sidoo kale waxaa goobta kahadlay wasiirka diinta iyo owqaafta dowladda puntalnd Ismaaciil maxamed Cali oo umada ugu baaqay in ay ilaahood baryaan iskuna naxariistaan si ilaah ugu naxariisto ,

 

Waxaa ugu danbayntii goobta kahadlay Islaan Ciise Islaam muxamed  waxaana uu bulshada ugu baaqay in ay si dhab ah ilaahood u baryaan  waxaana islaanku ugudanbayn tii halkaas kazoo jeedshay duco aad uqiimi badan iskusoo duuboo roobdoontaan oo ugudanbayntii  lasoo gabagabeeyay  mudo dheer oo bulashadu taagnaayeen qoroxda kadib waxaana halkaas kadhacday iscafis iyo  ismarxabayn waxaana dhamaan bulashadu illaahood karajaynayeen in illaah soo  waraabiyo ,

 

DSC05128 DSC05131 DSC05137 DSC05141 DSC05144 DSC05149 DSC05150 DSC05151 DSC05154 DSC05160 DSC05163DSC05127