+252 90 7798232 [email protected]

sh dirir

Hargeysa:-Safar  dacwadeed  oo  balaadhan oo  ay  soo  qabanqaabisay  Mu,asasada  Al- karam ee  dacwada  iyo horumarinta  ayaa taariikhdu markay ahayd 28/10/2014 waxay socdaal dacwo ku soo mareen deegaano kala duwan.

Socdaalka Dacwada ayaa waxaa hogaaminayey Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir waxaana ka mid ah deegaanada ay socdaalka dacwada ku tageen ka mid ahaa .Balikaliil, Sabawanaag, Salaxlay,Baligubadle,Gunburaha,Gumar,Balicabane,Sayla, iyo Baargoo .

Intii Socdaalka dacwada ay ku jireen culumada uu hogaaminayey Sheekh Maxamed Cumar Dirir waxaa ay deegaanada ay soo mareen ka jeediyeen muxaadaraad kala duwan waxaana ay ka hadleen mawaadiic kala duwan sida .qabyaalada ,qaadka  iyo  sigaarka ,cibaadada  ,salaada  iyo  tawxiidka,- dulmiga  noocyadiisa .- Seerayaasha ,-dhuxusha , dilka  ,jaarka  iyo arimo  kale oo  farabadan.

Sheekh Maxamed Cumar Dirir ayaa waxaa uu dadweynaha uga jawaabay su,aalo kala duwan.

Socdaalka Dacwo waxaa Sheekh Maxamed Cumar Dirir ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey culumada kala ah .
1-Sh Maxamed Xusen Cali (Deeq) gudoome xigeenka mu,asasada  al-karam ee dacwada  iyo  horumarinta
2-Sheekh Maxamed Caydiid Muxumed Imaamka iyo Khadhiibka Masjidka Bootaan ee magaalada Hargeysa.
3-Al-Ustaad  C/raxmaan Xariir  oo ah Iclaami Islaamiya.
4-Ustaad C/fitaax Cismaan  oo ka mid ah Dhalinyarada quraada ah .

alminhaaj.com

Mu,asasada  Al- karam ee  dacwada  iyo horumarinta  
Hargeysa

Xigasho Halgan.net