+252 90 7798232 [email protected]

20140615_101009

Qardho:-Waxaa maalinimadii axada 15/06/2014 saacadu marakay ahayd 9:30 ka bilowday hoolka  Gufure Hotel ee Magaalada Qardho kelmadii Fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu u jeediyey Guurtida iyo qaybaha maamulka, ganacsatada,aqoonyahanka, iyo haldoorka degmada Qardho.

Waxa uu sheeku jeediye kalmad uu ugu magac daray  Waano iyo is xasuusin  kalmadaa oo aad u qiimo badnayd cajabna lahayd uu ku xasuusiyey Sheekhu qodobadan soo socda.

1-      Ku shugrinta nimcooyinka Alle ugu galaday adoomihiisa  oo ay ugu horayso uguna wayntahay nimcada islaanimad, amniga , caafimaadka , xasiloonida , iyo dhamaan nimcooyinka kale waxa uuna tibaaxay in ay waajib tay in alle loogu mahad naqo mar walba iyo goob walba oo la joogo

2-      Xasuusinta labaad waxa uu sheekhu kaga hadlay sid uu islaamku muhiim uga dhigay in la ilaaliyo nidaamka iyo kala danbaynta umada dhexdeeda ah laga bilaabo qoyska, oo raga mas,uul looga dhaigay, lagu xejiyo sadexda qof oo uu amray nabigu صلى الله عليه وسلم  inay qof Amiir ah samaystaan ilaa uu gaaray Dawlad iyo nidaamka guud, wuxuu sheekhu ku dheeraaday ahmiyada kala danbaynta iyo sooyaalkii muslimiinta isagoo ku waaniyey in laga  ilaaliyo, fawdada iyo isgarab yaaca soomali ku jirtona aysan dan u ahayn shacabka iyo umada soomaliyeed

3-      Xasuusinta sadexaad sheekhueebe ha dhawree– waxa uu kaga hadlay sida islaamku muhimda u siiyey In loo adeego bulshada iyo danaha caamka ah, isaga oo tilmaamay fadliga iyo dheeraadka uu islaamku siiyey arinkaa, isaga oo dhamaan ku tirtirsiiyey in aan laga daalin shaqada oo ah mid diinka loo soo dajiyay in la islaaxiyo dhamaan bulshada danaheed aduun iyo akhiroba laga shaqeeyo

4-      Tan afraad sheekhu waxaa uu ku dheeraaday in qofka muslimka ah looga baahan yahay haduu mas,uul yahay meel loo dhiibay, iyo hadii uu dhaqan iyo dawladba uu wax u hayo inuu dareen mas,uuliyadeed leeyahay ,ogaadana in alle uu kala xisaabtami doono mas,uuliyada loo dhiibay uuna  ilaah ugaga boqo mas,uuliyadaa. Dhawra xilka loo dhiibtay

5-      Xasuusinta shanaad waxaa uu  sheekhu kaga hadlay dhawrida hantida guud ee umada ka dhaxaysa iyo maalka caamka ah, sheekhu waxa uu aad ugu dheeraaday ilaalinta  hantida guud, isaga oo tilmaamay sida ay diintu uga digtay ku takri falida hantida guud,

6-      Xasuusinta lixaad waxa sheekhu kaga hadlay halaaga iyo buruburk a ay dhaxal siiyeen Qabyaalada  iyo Qaadku umada soomaaliyeed iyo dhibaatada ay u gaysteen danahooda aduun, waxa kale oo uu tilmaamay sida ay shareecadu u xaarantimaysay ugana digtay labadaa cudur ee  halaaga ah waxauuna soo qaatay tusaalayaal badan oo si dhaw fahmeen kasoo  qaybgalayaashu dhibta ay leeyihiin labada cudur qabyaalada iyo qaadka.

7-      Ugu danbayntii Sheekhu waxa uu ilaah uga baryey in umada soomaaliyeed dhamaan ilaahay ilaaliyo kana fogeeyo wax dhibaya diinkooda iyo aduunkoodaba,  waxaa halakaa lagu waydiiyey  Sheekha   su,aalo  ay aad ugu baahi qabeen oo khuseeya  hawl maalmeedkooda iyo degaanka ku xeeran iyo mas,uuliyada ay hayaan isaga oo fadiilatu sheekhuna si waafi ah uga jawaabay kana shaafiyey su,aalihii ay qabeen .

8-      Gabagabadii waxay dhamaan  ka soo qayb galayaashii u mahad cliyeen Sheekha iyagoo ilaah uga baryey inuu xifdiyo kana dhawro wax walba oo dhiba kana codsadeen  inuu marar badan ku soo noqnoqdo.

20140615_100448 20140615_100618 20140615_100658 20140615_100702 20140615_100845 20140615_100946(1) 20140615_101009

 

 

 

Xafiiska Mu,sasada  al Minhaaj Qardho