+252 90 7798232 [email protected]

Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Camay ayaa maanta galinkii danbe ka qayb galay munaasibad ay Jamacadda Bariga Africa xarunta Garowe kusoo bandhigaysay qaybta labaad ee Aqoonta Jaamacadda (Master Degree) oo lagu soo kordhiyay Jaamacadda.

Munaasibaddan oo xarunta Bariga Africa Garowe lagu qabtay ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa madaxda ugu saraysa Jaamacadda Bariga Africa, wasiirka Caafimaadka, wasiir ku xigeenka waxbarashadda iyo bahda aqoonta, kuwaasoo u tilmaamay fursad qaali ah oo Jaamacaddu soo kordhisay.


Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa qaybta Garowe Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sheegay inay Jaamacaddu horumarsay ayna soo kordhisay barashadda heerka labaad ee Jaamacadda (Master Degree) kaasoo hadda bilow ah ayna u taagan yihiin sidii ardaydda u heli-lahaayeen Takhasus-yadda ay u baahan yihiin.

Masuulka Tacliinta Sare iyo Cilmi Baarista Jaamacadda Bariga Africa Dr Bashiir Warsame Maxamuud ayaa ka sheekeeyay qaabka jaamacadda qaybtan cusub loogu soo kordhiyay iyo macluumaadka ay xambaarsan tahay ama laga baran karo.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Dr.Maxamed Cali Faarax oo ka mid ahaa masuuliyiintii hadalka jeediyay ayaa marka hore tilmaamay inay ku faraxsan yihiin barnaamijkan cusub ee ay Jaamacaddu bilowday, kaasoo dhalinyaro badan uga baaqsan doonan waxbarasho ay dalal kalu u aadi jireen, sidoo kale waxa uu sheegay ahmiyadda iyo fursadaha ay u heli karaan inay waxay baranayaan cilmi baaristiisa gudaha dalka ku sameeyeen, wuxuna balan qaaday inay taageeri doonaan heerka labaad ee aqoonta Jaaamacadda.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxwaynaha Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa sheegay inay tahay fursad cusub oo waxbarashada Puntland kusoo korortay, maadama Jaamacadda Bariga Africa fududaysay in gudaha Puntland ardaydu aqoontooda labaad ee Jaamacadda ku dhistaan.

Camay ayaa ku ammaanay dadaalka iyo horumarka ay madaxda Jaamacadda Bariga Africa sameeyeen, isagoona kula dardaarmay inay sii xoojiyaan, waana markii ugu horaysay ayJaamacadda Bariga Africa bilowday qaybta labaad ee aqoonta Jaamacadda (Master Degree).

S S S S S S S S S S S S S S S S