+252 90 7798232 [email protected]

91

( Garowe ) Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa maanta xarunta barlamaanka Puntland ee Garowe Muxaadaro ugu jeediyay Saddexda Gole ee Dowlada Puntland.

Muxaadaradaan oo ku saabsanayd u adeegida Bulshada ayaa waxaa goob joog ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Eng. Cabdi Xakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey,Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Xildhibaano.

Xubnaha Golaha Xukuumadda ee kulanka ka qayb galay ayaa waxaa ka mid ahaa;-Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Dr. Maxamed Cabaas,Wasiirka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame,Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha qoyska Aniiso Xaaji Muumin iyo Mas’uuliyiin kale.

Sheekh Umal ayaa Muxaadaradiisa waxaa uu kusoo qaaday dhinac badan oo taabanaysay Mas’uuliyada ka saaran dowladda shacabkeedka iyo sida loo rabo inay ugasoo baxdo.

Wuxuu ku booriyay dowlada inay xil weyn iska saaraan u adeegida danaha shacabka reer Puntland. Wuxuuna usoo jeediyay talooyin wax ku ool ah.

Maalintii shalay ayaa madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Ing, Camey wuxuu golayaasha dowladda Puntland ugu yeeray inay yimaadaan xarunta barlamaanka si ay uga qeyb galaan muxaadarada uu jeedinayo Sheekh Umal.

Si kastaba ha ahate,arrimahan ayaa kuso beegmaya xilli maalmihii ugu damabeeyay uu Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu ku sugnaa Gobolada Puntland.

Hoos Ka Daawo Sawirada iyo Codka Hoos Ka Dhageyso 

 

131110457893

123456Mu

Mu’asasatu Al Minhaaj

Putland Garowe