+252 90 7798232 [email protected]

Munaasabadda lagu daahfurayey shirkadda biyaha iyo barafka ee Rayaan ayaa waxaa ka qayb galay xubno katirsan golayaasha dowladda Puntland, duqa degmada Garoowe, maamulka shirkadda iyo marti sharaf kale.

Maareeyaha guud ee wershedda biyaha iyo barafka ee Rayaan Cabdinuur Maxamuud Xaaji oo ugu horayn ka hadlay madasha ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabkii  lagu aasaasay wersheddaani, wuxuuna xusay in wersheddu 24-kii saacba soo saari kadho 5,000 oo kartoon oo biyo sifaysan ah.

Duqa degmada Garoowe Xasan Maxamed Ciise ayaa ku ammaanay ganacsatada hirgelisey wersheddaani, waxaana uu intaasi ku daray in wershedda agabkeeddii u dhammaystiran yahay logana baahan yahay shacabka Puntland inay ka faa’iidaystaan.

Wasiir ku-xigeenka ganacsiga iyo wershedaha Cabdiraxmaan Xasan Yuusuf, oo ka hadlay munaasabadda ayaa bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkooda maalgashanaya, ayna ka muwaadin sanyihiin kuwa maalkooda dalka dibaddiisa geliyey.

Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee barlamaanka Puntland Cabdixamiid Xaaji Cabdisalaan oo si rasmi ah wershadda xariga uga jaray ayaa u hambalyeeyey maamulka iyo mulkiilayaasha wershedda Rayaan, wuxuuna balan qaaday in dowladdu la shaqayn doonto.

SAWIRRO