+252 90 7798232 [email protected]

Masjidka  Cumar Binu khadaab ee magalada Bosaso  ayaa lagu Qabtay Xaflad balaaran oo abaalmarimo Iyo Shahaadooyin Cadaynaya In ay Barteen Tafsiirka Qur’aanka kariimkaa Macnihiisa Lagu Fasirayo Afka Somaliga Lagdoon siiyay In Kabada 12arady .

Xafladaan Oo Ahayd Mid Balaaran Islamarkaana Ay kasoo Qayb galeen  Sheekh Bukhaari oo Baray Ardayda Tafsiirka / Madaxda Mu’asasada Al-minhaaj Heer Gobol Iyo Isimada Dhaqan waxaa goobta kahadlay Sh Bukhaari oo kawarbaxshay Mudadii ay ardaydaani  U Fadhiyeen  Iyo In Ardaydaan Ay Hada Yihiin Culimo Gudbinkara  Cilmigii ay Barteen.

Mamulka Mu’asasada Alminhaaj Gobolka Bari ayaa Umahadcliyay Shekha Iyo Intii ka faa iidaystay Barashada Kitaabka Allah Waxayna Dhankooda balan qaadeen in ay siiwadi doonto Fursadahaan Bulshada Lagaga Saarayo jahliga islamarkaana lagu  barayo SHareecada Islaamka.

Nuur Jaamac  Aadan

Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada Al-minhaaj Puntland