Waxaa maantay lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee garowe intention airport Sheekha Caankaa Ee Sh.C/qani qorane maxamed Sheekha oo kabadbaaday shilgaari oo bil kahor kadhacay duleedka caasimada puntland ayaan waxaa uu baaritaan dhica caafimaadkaa waxaa uu ugu maqnaa dalka dibadiisa waxaana uu dalka dib ugu soo noqday maantay isa goo ilaah mahadiis caaffimaadkii su taam yahay waxaana maantay loo soo meeyay soo dhaweyn heer qaran ah .
Soodhaweyntaan oo ahayd mid heer sare ah ayaa waxaa kaqayb galay Wasiiro kamid ah dowladda puntland culima aw diin haween arday gudoomiyaha gobolka nugaal duqa magaladda garowe iyo mas,uuliyiin kaloo badan .
Wasiirka caafimaadka dowladda puntland Dr.Sadiq Enow oo kamid ahaa mas,uuliyiin tii kaqayb gaadatay soo dhaweynta Sheekha ayaa goobta kahadlay waxaana Wasiirku yiri waa illah mahadiis hadii eebe noo sooceliyay Sh C/qani Qorane oo caafimaad ah waxaana rajaynayaa in sh qorane uu mas,uuliyadii balaar nayd ee uu umada u hayay uu meesheedii kasii wadi doone waxaa isna goobta kah lay Wsiirkii hore ee mamulwanaaga dowladda Puntland Mudane Maxamed Cise Faarax Gaashaan waxaana uu qiray in aan la ilaawi Karin kaalinta muga leh ee uu kagajiro jiritaanka umada reer Puntland waxaana Wasirku ku sifee yay in uu yahay Sh.Xabdabka U tumay In uu buuxiyo kaalintii sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax Ee Ahayd in uu jaamacada bariga afrika faraceeda gobolka Nugaal Uu kadhigo Maadada Caqiidada waxaana uu eebe uga baryay in caalimkaan iyo culimada kalaba noo daayo waxaana uu yiri sheekh waxaa maantay kusoo dhaweynaya kumanaan dadweyne ah oo kamida ardaydaadii aniga ayaana ugu horeeya waxaan kamid ahay ardaydii kaa qaadatay cilmiga sidaas waxaa yiri Wasiikii Hore ee maamul wanaaga Dowladda Puntland Mudane Maxamed Farax Ciise Gaashaan .
Ugu danbayntii waxaa lagu soo dhaweeyay Sheekh Cabdi Qani Qorane Maxamed Waxaa uu shekhu ugu horaynba umahad celiyay Eebe Wayne kadibna waxaa uu umahad celiyay dhamaan dadweynihii soo dhaweeyay waxaana uu eebe uga baryay in illah miisaanka xasanaadka u saaro waxaana uu ujeediyay kalimado dardaaran iyo bogaadinba is kugu jirta waxaana sheekhu yiri eebe waa idinka aqbalay ducadiinii waana caafimaaday waana idiin soo noqday waana wada joogaynaa waxaana sheekhu ugu baaqay dadwenihii halkaas is kugu soo baxay in ay kawada shaqeeyaan mid nimadda iyo horumarka dintooda iyo dalkooda waxaana sheekhu sigaara ugu mahadceliyay madaxweynaha dowladda Puntland Prof Cabdi Wali Maxmed Cali Gaas Waxaana Uu sidoo kale u mahadceliyay dhamaan culimadii iyo dadweynihii ducada ladabataagnaa waxaana uu yiri eebe miisaanka xasanaadka haidiin saaro .
Kadibna waxaa sheekha loo soo galbiyay guriga uu kadagan yahay magaalda garowe
Nuur Jaamac Aadam Al-Minhaaj Garowe