+252 90 7798232 [email protected]

Sh Cabdiraxmaan Axmed Cilmi (Sh Abyad ) oo safar dacwo kusoo maray qaybo badan oo kamid ah dalka ayaa waxaa uu soo gaaray Magaalada garowe Caasumada Puntland waxaana Sheekhu mudadii uu joogay umada u faa iideeyay Muxaadaraat iyo Wacyigalin guud oo uu layeeshay bulshada qaybaheeda kaladuwan .

Sheekh ayaa muxaadaro kahadlaysa Fadliga Cilmiga iyo waxyaabha laga donayo ardayga muslimkaa in uu xaqiijo  waxaa uu u jeedshay Ardayda wax kabarata /Xalaqaadka / kuwa Macaahida / Jaamacadaha Iyo Dhamaan  Goobaha waxbarashada muxaadaradaas oo ardaydii ka faa idaysatay kuyeelatay Saamayn weyn .

Sheekh Abyad ayaa sidoo kale darsi kahadlaya Shuruudaha laga rabo Hogaamiyaha  waxaa uu kajeediyay Tvga Puntland .

Intaas kadib Sheekhu waxaa uu Muxaadaro ay kasoo qayb galeen boqolaal dadweyna ah wuxuu ku qabtay Masjidka Al-Huda Garowe  waxaana Sheekhu Halkudhig Uga dhigay Darsigaas Islaamka Iyo Wanagisa  .

Waxaana Sheekhu isbarbardhig  ku sameeyay Farqiga u dhaxeeya dadka aan haysan islaamka iyo dadka Eebe kusharfay islamka  waxaana sheekhu Tusaalooyin badan kabixiyay Dhaqan Xumada Reer galbeedka Iyo Siday wax u saxeen Dadkii Islaamka  Xanbaarsanaa .

Ugu danbayntii Safarka sheekha  Iyo  Dhamaan Muxaadaratka Uu qabtay ayaa laga dareemay dhamaan Deegaana  Puntland Waxaana  Sheekha laga Codsaday in uu soo noqdo Si aad looga sii faa iidaysto

Nuur Jaamac Adan

Xafiiska warbahinta Alminhaaj

DSC_0043 DSC_0044 DSC_0045 DSC_0046 DSC_0047 DSC_0048 DSC_0049 DSC_0051 DSC_0052 DSC_0053 DSC_0056