+252 90 7798232 [email protected]

DSC05895

Garoowe:-Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa caawa oo taariikhdu tahay 11/06/2014 waxaa uu habeenkii saddexaad galay maxaadarooyinkii taxanaha ahaa ee uu ka jeedinayay magaalada Garoowe gaar ahaan masjidka weyn ee Al- huda. Maxaadarada caawa ayaa ka waxaa uu Sheekh uga hadlay Tahriibka iyo dhibaatooyinka uu ku hayo shacab ka Soomaaliyeed .Muxaadarada ayaa waxaa caawa furay wasiirka waxbarashada Puntland Dr, Cali Xaaji Warsame oo tilmaamy inuu yahay cidda ugu dareemidda badan mushkiladdan madaama uu ku hawlan yahay waxbarashada iyo barbaarinta dhalinyarida ,wuxuuna ku tilamaamay masiibo qaran isaga oo sheegay in ay aad ugu hawlan yihiin ka wacyi galinta bulshada arrintan wuxuuna ugu baaqay dhamaan qaybaha bulshada in laga wada qayb qaato joojinta tahriibka.

Wasiirka waxbarashada ee Puntland Dr.Cali Xaaji Warsame ayaa hoosta ka xariiqay in ay tahriibtu tahay qaab ganacsi oo cusub oo hadda furmay oo aysan jirin inta badan dhibaato dhalinta haysata oo ay ka cararayaan. Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa ku tilmaamay qofka tahriibaya inuu yahay qof naftiisa dilaya taas oo diintu aad uga digtay in qofku uu naftiisa halaag u kaxeeyo.

Shiikhu waxaa uu adkeeyay in tahriibtu xaaraan yahay maadaama ay dhibaatadeedu saamaynayso bulshada iyo shanta shey oo ay diintu ilaalisay sida Nafta ,Sharafta ,diinta hantida ,caqliga iyo waxtarkii umada oo dalka ka guuraya. Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa aad u adkeeyay inay muhim tahay in dadku fahmaan in wax badan isbadleen oo maanta fursado badan ee lagu tuhmayo Yurub aysan oollin, jaaniskuna ku fiican yahay dalka gudihiisa balse ay tahay dadku inay iimaansadaan.

Sh Maxamed Umal ayaa soo bandhigay xalal dhawr ah oo lagu xallin karo aafada tahriibta isaga oo sheegay in uu yahay xalka ugu horreeya :-

1- in lahelo iimaan iyo kalsooni lagu qabo ilaahay iyo irsaaqdiisa.

2- Wacyi galin ballaaran oo loo jeediyo dhalinta.

3- In shaqo abuur wanaagsan loo sameeyo dhallinta.

4- In la dhiiri galiyo lana badiyo ururada khayriga ah.

5- In la kobciyo farsamada gacanta.

6- In dawladdu la dirirtu dadka ka ganacsada tahriibta lagana soo saaro ciqaab adag.

7- In waalidku dawrkiisa ciyaaro masuuliyaddiisana qaato waa xalka ugu muhiimsan.

Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa ku gabagabeeyay sheegay in tahriibtu tahay masiibo wayn oo u baahan in la iska kaashado sidii loola diriri lahaa shacab iyo dawladba

DSC05876 DSC05869 DSC05870 DSC05871 DSC05872 DSC05873 DSC05874 DSC05875 DSC05876 DSC05877 DSC05878 DSC05879 DSC05880 DSC05881 DSC05882 DSC05883 DSC05884 DSC05886 DSC05888 DSC05889 DSC05892 DSC05893 DSC05894 DSC05895 DSC05896 DSC05897 DSC05898 DSC05900 DSC05901 DSC05902 DSC05903 DSC05904 DSC05905 DSC05906 DSC05907 DSC05908 DSC05909 DSC05910 DSC05911 DSC05912 DSC05913

Mu’asasatu Al-Minhaaj

Garowe Masjidul Al Hudaa