+252 90 7798232 [email protected]

sh c.nasirLaascaanood:-Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa Saaka la Yeeshey Kulan Ballaadhan Ducaadda GobolK Sool iyo Nawaaxigiisa .Kulankaan ayaa waxaa uu ka dhacey Hoolka Wayn ee ee Mac-hadka Alfurqaan , Waxaana Kulanka Ugu Horreyntii Bilaabey Gudoomiyaha Mu’asasada  ALKARAM Farceeda Lascaanood  Shiikh Axemd Muxamed Suleymaan , Isagoo Siiyey Shiikha Umal warbixin Kooban oo ku saabsan Dacwada Gobolka Sool.

Sh.Axmed Muxamed Suleymaan wuxuu sheegay In Hawlaha Dacwadda ee  ay ka Gaadheen Guulo ballaadhan , isagoo Shiiikhu sheegey Qaybaha iyo Qaabka ay u Maaamulaan Dacwada Gobolka Sool iyo Nawaaxigiisa. Sidoo kale waxaa goobta Ka hadlay Sh.C/Naasir Xaaji Axmed oo ka mid ah culimada waawayn ee soomaaliya  , Isagoo  shiikhu kawaramay khataraha  waawayn ee kuwajahan umada soomaaliyeed iyo kaalinta kagabeeegan ducaada  sida Cilmaaniyada iyo Shiicada iwm, iyo sidii Looga hortegi Lahaa Khatarahaas.

Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa ka waramey Marxaladihii Dacwadu soo martey , iyo weliba dhibaatooyinkii ka horyimid Culimada iyo Sidii ay Culimadu u wajaheen wuxuu shiikhu sheegay in saadka qofka daaciga ah yahay daacadda alle  iyo cibaada oo uu badiyo, waxa kale oo uu shiikhu sheegay labo qolo oo hagal daaciyey dacwada salafiga ah ee soomaaliya oo kala ah qulaada takfiirka iyo qulaada tabdiica ayna dayaceen midho badan oo dacwadaan u soo baxay loona baahan yahay in laga fogaado afkaartaa khaldan ,dadkana looga nasteexeeyo . Sidoo kale ducaadii goobta isugu timi ayaa shiikha waydiiyey  suaalo dhinacyo badan taabanaya Dacwada.

Ugu danbayntii shiikhu wuxuu bogaadiyey dacwada balaadhan ee ka socota gobolka Sool iyo nawaaxigiisa , wuxuuna shiikhu tilmaamay in dacwadaasi ku timid dadaalka shiiikh C/Naasir Xaaji Axmed iyo machadka alfurqaan ,iyo  isku xidhnaanta iyo kala danbaynta  ducaada Gobolka Sool. Wuxuuna kulanku ku soo dhamaaday waji fiican oo farxadle

Musasat Al-Karam
Laascaanood
Machadka Al-furqaan