+252 90 7798232 [email protected]

sh m yuusuf

Garoowe:-Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo kamid ah culumada ugu waaweyn Soomaaliya ayaa waxaa uu khudbadii ciida ka jeediyey  Garoonka ciyaaraha ee Mira Awaare ee magaalada Garoowe  waxaana uu Sheekhu aad ula dardaarmay umada Soomaaliyeed guud ahaan iyo shacabka ku dhaqan Puntland

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa waxaa uu kula dardaarmay kumaam qof oo ku tukanayey garoonka ciyaaraha ee Mira Awaare  in ay alle ka cabsadaan uuna qof walba uu u istaago sidoo loo suulin lahaa munkarka

Sheekh Maxamuud Xaji Yuusuf ayaa sheegay in qofwalba oo reer Puntland ah uu saaran yahay masuuliyada gaar ah diinta faafinteeda iyo in kheyr la isku dardaarmo.

Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in dowladda Puntland uu xil ka saaran yahay   inay diinta umadda, nabadgalyadda iyo nolashooda intaba ay ilaaliso wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay garab istaagaan dowlada wixii kheyr ah.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay in ay waajib diini ah tahay in la iska dhiciyo kuwa dhiiga muslinka baneystay wuxuuna si gaar ah u xusay kooxaha amniyaadka Al-shabaab ee dilay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax iyo Dr.Axmed Xaji C/raxmaan  wuxuuna ugu baaqay madaxda Puntland in umada ay ku dhaqaan Shareecada Islaamka.

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Ciida Sheekh Maxamuud Xaji Yuusuf uu ka jeediyey Garoowe

alminhaaj.com

halgan.net