+252 90 7798232 [email protected]

 

Waxaa maantay oo taariikhdu tahay 09/07/2014 masjidka Alhuda magalada garowe muxaadaraat kabilaabay sheikh axmed cabdi samad muxaadaraat kaan oo sheekhu ciwaan ugadhigay dabar goynta qabyaaladda ayaa imaanaya waqti dad weynuhu aad ugu baah naayeen in loo cadeeyo qabyaalada iyo heerka diinta islaamku dhigtay .

Sheekha oo maantay galay darsgii 1Aad ayaa kagahad lay qabiilka iyo habka eebe yiri haloo adeegsado waxaana sheekha oo soo daliishaday ayaat kamid ah qur’aankakariimkaa iyo sunada nabiga SALALAAHU CALEYHI WASALAM  kutilmaamay habka maantay in badan oo kamid ah bulshada soomaaliyeed ay u adeegsadaan sikhaldan oo kasoo horjeeda sidii eebe ina faray waxaana sheikh axmed ugadigay bulshada in  lakhilaafo wixii eebe ugadigay taas oo haday dhacdo sheekhu timaamay in lagadhaxlayo cadaab iyo ciqaab alle .

DSC00246

Sheekha oo lagu yaqaan in uusan runta dhinackamarin ayaa waxaa uu tusaale usoo qaatay erayo badan oo bulashadu  isku yiraah daan markay is kugu faanayaan qabyaalada waxaana sheekhu cadeeyay waxa soomaliya halkaas dhigay in ay tahay qabiilka  oo Aan booskii Eebe dhigay  loo adeegsan.

Waxaana muxaadaradaan oo ay xigi doonaan muxaadaraat kale si dhamays tiran sheekhu u ga hadli doonaa

(1)Waa maxay waxa u dhaxeeya qabyaalad iyo qabiil

(2)Habkee eebe u dajiyay in loo adeegsado qabiilka

(3)Maxaa kadhalan kara hadii la khilaafo amarka eebe

Iyo qayba kaloo badan oo dhamaan khuseeya  ciwaanka dabar goynta qabyaaladda

Nuur Jaamac Aadan  ([email protected]

Mu,asasada Alminhaaj

Garowe puntland Somalia

 

DSC00244 DSC00246