+252 90 7798232 [email protected]

Mecca:-Waxaa maanta oo khamiis ah 30-Oct-14 ku geeriyooday magaalada barakeysan ee Makkah AlMukarama Sheekh Daahir Abdi Geele Allah ha u naxariistee.waxaana uu Sheekhu ka mid ahaa culumada Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaanay dalka .

tacsi

Sheekh Daahir wuxuu ku dhashay magaalada Baardheere gobolka Gedo wuxuu ka soo dhoofay dalka Soomaaliya dabayaaqadii lixdanaadkii isaga oo cilmi u soo doontay dalka Sacuudi Carabiya mudo dhawr iyo afartan sano ah ayuu deganaa magaalada Makkah wuxuu caan ku ahaa oo lagu yaqaanay Masjidka Xaramka wuxuu dunida kaga tegay 49 Caruur ah oo uu dhalay.

Sheekh Daahir Abdi Geele ayaa maanta oo khamiis ah 30-Oct-2014 salaadii casar lagu tukanayaa Masjidkii uu ku ictikaafi jirey ee Xaramka Makkah Allah ha u naxariisto Sh Daahir eheladii iyo ubadkii uu ka tegayna samir haka siiyo.

Dhamaan Maamulka Iyo Shaqalaha  Shabakada Alminhaaj.0com ayaa sigaar ah Tacsi  ugu dirayaan qaraabadii iyo eheladii iyo Dhamaan Umada Soomaaliyeed Uu Ka Geeriyoday  Allaha u naxariiste  sheekh daahir cabdi geele Waxaanu Leenahay  Allaha Ka Waraabiyo Janatul Furdawsal Aclaa

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Makkah.Waxaa tacsiya u dirayaan ehelada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Sheekh Daahir Abdi Geele.

Dhamaan Maamulka Shabakada Halgan.net ayaa waxay si gaar ah tacsi ugu dirayaan edelada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday alaha u naxariistee Sheekh Daahir Abdi Geele waxaana alle uga baryeynaa in uu geeyo Janatul Fardoow

alminhaaj.com

xigasho-Halgan.net
Mecca