+252 90 7798232 [email protected]

Sheekh maxamed ibraahim shakuul oo maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa caasimada puntland ee  garowe  ayaa kawaday muxaadaraat xiriir ah waxaana sheekhu caawa galay  muxaadara dii labaad oo ciwaankeedu ahaa (fahamka suuratul faatixa ) waxaa sheekhu muxaadaradiisa ku sooqaatay in sidhab ah loo fahmo suurada al faatixa waxaana sheekhu sheegay hadii lafahmi lahaa suuradaas oo kaliya wax soomaaliya ka xumaan lahaa in aysan jireen  maa daama ay tahay suurada anu ugu akhriska badan nahay maalintiina aynu akhrino 17 jeer ama kabadan ,

Sheekha oo muxaadara diisa si wanaagsan usoo diyaariyay ayaa waxaa uu kusoo qaatay dhamaan micnaha suuratul faatixa, waxaa kaloo sheekhu  ugu danbay tii usoo jeed shay dardaaran ku wajahan u mada soomaaliyeed waxaana uga digay in ay ku dhacaan lunta gaaladu uqodayso  waxaana uu sigaara sheekhu u soo qaatay dagaalka gaaladu dhax dhigayso dumarka iyo raga muslimiintaa kadib markii gaaladu ku fashi lantay dhaxdooda in ay wanaag dhigaan ,

Gabagabadhii waxaa tacliiq soo jeed shay sheikh maxamuud xaaji yuusuf  sheekha ayaa uma had celiyay sheikh shakuul waxaana sheekhu duco kal iyo lab ah usoo jeed shay sheikh shakuul . sidoo kale waxaa sheekha la wey diiyay su,aalo dhowr ah waxaana uu uga jawaabay sidii sawaabta ahaa ,

DSC05506

Waxaa sidoo kale  isna su,aalo  la weydiiyay  Sh c/qani  qorane  waxaana la wey diiyay  dimuquraadiyada  waxaana sheekhu ku jawaabay in ay tahay wax xaaraan ah waxaana sheekhu soo qaatay ina goo haysana diin dhamays tiran miyeynu ku kad soomaynaa wax gaalo wadato oo aan dhamays tirnay ,tusaale waxaa sheekha c/qani qorane u soo qaatay mabaadiideeda waxaa kamid ah hadii %51 cod ay helaan dadka doonaya in liwaad ka ama quulu luudka  lasameeyo ay  yihiin kuwa xaqa leh ,

Sidoo kale waxaa  masjidka ku sugnaa isimo ka yimid koonfurta wadanka soomaaliya  isimadaan oo iskugu jiray malaaqyo/wabaro iyo isimo magac weyn kuleh soomaliya .  Hoos ka dhagayso

 

DSC05505 DSC05518 DSC05520 DSC05513 DSC05537 DSC05542 DSC05514 DSC05516 DSC05543