+252 90 7798232 [email protected]

28

Mozambique:-Waxaa shalay oo Axad ahayd dhacday aroortii muxaadaradii 4aad oo gaar u ahayd dumarka waxaana uu ahaa cinwaankeedu ( dowrka gabdhaha ay ku leeyihiin dhisitaanka bulshada) muxaadaradaan oo ka dhacday masjidka Abubakar ayaa waxaa soo jeedinayay.

Sh Maxamed Cabdi Umal waxaa uuna sheekha ku soo jeedinaayay muxaadaradaa luuqada Carabiga iyadoo laga sii turjamaayay luuqada Bortaqiiska.

Muxaadarada oo ay soo xaadireen dumarka muslimaadka oo ku sugan magaalada Nampula ayaa waxaa qayb ka ahaa dumarka Soomaalida oo ayagana goobta soo camiray, ayadoo su,aalo fara badan uu sheekha uga jawaabay dumarkii oo aad uga muuqatay sida ay u jecel yihin culimadooda diinta.

Maqribkii ka dibna waxaa muxaadaradii 5aad galay Sh. C/qaadir Boobe oo ka hadlay (AXKAAMTA SHAQAYSIGA) sheekha oo si fiican uga hadlay axkaamta ku saabsan shaqaysiga ayaa waxay muxaadaradiisa ku baxaysay luuqada Soomaaliga. Intaa ka dib Sh. C/qaadir Boobe ayaa ka jawaabay su,aalihii dadka ay waydiinaayeen oo isugu jiray kuwo caam ah iyo kuwo quseeya muxaadarada.

Waxaa wali ka socda magaalada Nampula booqashadii dacwiga ahayd ee culimadaa ay wadeen ayadoo shalayna ay culimada ka qayb galeen kulan balaaran oo qado ahaa oo ay odayaasha jaaliyada ku soo dhawaynaayeen culimada, kulankaa qadada oo ka dhacay meel ka baxsan magaalada ayaa waxaa ka hadlay odayaasha jaaliyada soomalida iyo culimada oo u mahad naqday.

Waxaa dhici doono haddii allah yiraahdo inta ay culimada joogto Nampula muxaadaraad kale iyo kulamo dadka lala yeelanaayo.

Mohamed Aadan Abdile
Xigasho,Napula, Mozambique

alminhaaj.com