+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa layiri waxaa jiray magaalo dadka dagan kuligood ay doqomo ahaayeen. Waxaa ku yaallay magaalada god wayn oo dadku ay ku dhacaan, maalin ayay shir isugu yimaadeen dadki magaalada daganaa si ay xal ugu helaan godkan dadka badan ay kaga dhinteen, waxay magacaabeen sadex qof oo ah kuwii ugu caqliga badnaa doqomada, si ay u soo diyaariyaan talo xal loogu helo godkan. Markay shireen sadexdi qof kii koowaad wuxuu soo jeediyay:

1-In godka agtiisa la istaajiyo gaadhi Ambulance ah si qofkii godka ku dhaca dhakhso loogeeyo Hospitalka.
2-Kii labaadna wuxuu yiri godkan intaan duugno an hospitalka agtiisa midkale ka qodno si dadku ay u helaan gargaar dagdag ah.
3-kii sadexaadna ku lahaa dad shaqaala ah an qorno oo an istaajinno godka agtiisa si qofkii ku dhaca ay dhaqso uga soo saaraan.

sheekadaan waxaan kasoo guurinay facebook ga uu is ticmaalo sheekh  maxamuud adar oo kamida golaha dacwada albayaan wadanka koonfur africa  ,

Albayaan Islamic Council Trust

waxaana isleeyahay talaxumadaan waa tan haysata umada soomaliyeed

cv