Hordhac:Sidiisaba bini,aadamku waa wada jecelyahay in uu guuleysto. heer aad u sareeyana kagaaro nolosha, mase wada guulaysto inyar mooyee. Dadka inta guuleysatay iyo inta guul darreysatay waxa ay ku kala duwan yihiin keliya waa yoolka ay mala’awaasheen iyo hannaanka ay u qeexeen yoolkooda.
Qof kasta oo muslim ah caqlina u saaxiib ah meesha uu hiigsanaayo waxaa ugu horaysa diintiisa oo dhamaystiranta iyo akhlaaqdiisa oo qurux badnaata ,si uu adduunka iyo aakhiradiisaba ugu noolaado nolol farxad leh oo raali gelisa eebe jalla wacalaa.
Xaqiijinta yoolku waxay ka bilaabanaysaa in la qeexo yoolka . Yool ku waa jaangooyaha guusha. Waa cabbir guuleed lagu qiyaasi karo qof, ummad, shirkad iyo urur guuleystay. Guulaystayaashu Meeshii ay ka yimaadeen waa bilowgii “Qeexista yoolka” halka ay soo gaareenna waa yoolka xaqiijintiisa intaa u dhaxaysana waa jidkii ay yoolkooda usoo mareen.
Xaqiijinta Yoolka qofku waxa uu noqon karaa mid dheer oo uu hiigsiga noloshiisa oo dhan sidii uu uga dhabeyn lahaa iyo mid gaaban oo wakhti kooban ah kaas oo dhamaystiraaya kii guud. Yoolka guud waxa uu noqon karaa mid culus balse haddii qurubqurub loo qaybiyo isla markaana loo sii dhexmaro yoolka gaaban waa suurogal in uu fudayd noqdo. Taas weeye baahida keenaysa in qofku taxo oo qodobeeyo wax kasta oo uu u malaynaayo in ay waddo u noqan kadho xaqiijinta yoolkiisa.
Murti dhaxalgal ah ayaa oranaysa: “Haddii aad ku guuldarreysato in aad wax qorsheyso, waxa aad qorsheysay in aad guuldarreysato”. Qorshaynta yoolku waa astaanka uu ka dhaqaaqayo gaariga guushu. Halkaas weeye barta gaariga lagaga hagaajinayo waddada guusha . Si aad u kala garato in aad anbad tahay iyo in aad toosan tahay, waxa aad u baahantahay in aad samaysato jiheeye la magac baxay Qorshe.
Qorshehaagu ha ku dhisnaado saddex wax oo is dulsaaran; waa in aad qorsheysaa maxaad dooneysaa in aad gaarto? Sidee u dooneysaa in aad ku gaarto? iyo wakhti intee le eg ayaad doonaysaa in ay kugu qaadato?.
Dunida dadka kunool waxay leeyihiin 3 yool midkood
- Yool waa mid xun oo dhalanteed ah oo aan micno badan lahayn waana midka dadka aan diinta islaamka haysan aaminsanyihiin .
- Yoolka labaad waa yool xoogaa wanaagsan balse aan waarin kaas oo ah inaad xoogaa magac yeelato lagu sheeg sheego shilimaadna yeelato, ma xuma yoolkani balse waa inaad dunida wax dhaxal geli kara kusoo kordhisaa.
- Yoolka saddexaad oo loo baahanyahay waa mid ka leh hiigsi weyn oo aad u fog oo soconaya , siina jira xataa markay dhamaato noloshaada adduunka, muhiimadduna waa in wax lagaa dhaxlo sida cilmi waxtar ah, camal wanaagsan, sadaqo jaari ah oo waaraysa waana midka laga rabo qofka muslimkaa.
Hadaan intaas uga nimaano qeexid guud oo ku saabsan Yoolka waxaa muhiim ah inaan ogaano tusaalayaal ka tarjumaya dad xaqiijiyey yool kooda , anigoo ku salaynaya diinta islaamka iyo waaqiciga bulshadeena soomaaliyeed.
Tusaalaha kowaad
Bishii Mey 15 keedii Sanadkii 1943,kii ayaa waxey aheyd markii dhidibada loo taagay Ururkii xornimodoonka S.Y.L ururkaas oo ay ku mideysnaayeen Halgamayaashii iyo Halyeyadii Soomaaliyeed ee dhalin yarada` ahaa, waa maalin xasuus gaara u leh dhammaan ummadda Somaliyeed iyo Guud ahaan Qaaradda Afrika siiba Geeska Afrika waana maalin mudan inay abaalkeeda gudaan dhalinta Soomaliyeed Rag iyo Hablaba .
Waaxay ahayd maalin Wiilal iyo Hablo dhalin yara oo aan Tacliin badan lahayn Hub iyo Saanad milatari aan haysan taageero dad shisheeye` aan helayn ay ku dhiiradeen yoolkoodii ahaa inay Gobonimo wanaag iyo xornimo u raadiyaan dhulka Soomaliyeed, yoolkaas oo ka soo maaxday dhalin yaro da,dooda 20 jiro lagu qiyaasay , waxay xaqqiijiyeen yoolkoodii Sanadkii 1960, iyagoo xornimo gaarsiiyey Soomaliya oo markaas gacanta ugu jirtay xoogagii gumaystayaasha Reer Yurub.
Tusaalaha labaad
Cumar binu Cabdi Casiis eebe ha unaxariistee waxaa lagu tilmaama inuu shan ku ahaa khulafaa,uraashidiintii muslimiinta ee afarta ahaa , wuxuu yiri Cumar bin Cabdicasiis ‘’waxaa igu jidha naf hiigsasho leh doonaysana inay gaadho meel fog’’ ,anoo yar baan ku fekeray in aan barta luuqada carabiga dhamaan qaybaheeda kala duwan waana u dadaalay waana bartay, in yar kadib waxaan ku fakaray gabar Faadumo ladhaho oo uu dhalay khaliifkii muslimiinta ee xiligaas inaan guursado iyadiina waan guuursaday, misna waxaan is iri Madiina Al-Munawara maad waali(barasaab) kanoqatid iyadiina waan gaaray oo barasaab baan ka noqday, misna waa ideeqi weyday Madiina al- Munawara oo waxaan kusii fekeray muslimiinta oo dhan maad u ba talisid oo khaliifa noqatid iyadiina waan gaaray. Ugu damayntiina waxaan niyada geliyey inaan janno ilaah kabaryo una shaqaysto .
Tusaalaha Saddexaad
Maxamed al-faatax oo da’diisu ahayd 15 jir dhiganayana dugsi quraan ayaa kamaqlay macallinkiisii dugsiga quraanka isagoo akhrinaya xadiiskii Nebiga SCW kasugnaaday 600 oo sano kahor ,xadiiskaas waxaa ku jidhay bishaaro sheegaysa inay muslimiintu mustaqbalka ay furandoonaan magaalada Qusdandiinaya (Istanbuul) ee Turkiga , waxaana isla xadiiskaas Nebiga SCW lagu ammaanay hogaamiyaha iyo ciidanka furandoonaa Qusdandiiniya (Istanbul) ,maxamed al faatix si uu u helo ammaant xadiiskaas uguna adeego diinta islaamka ayuu isagoo 15 jir ah yiri waa aniga ninka furan doona Qusdandiniya aakhirkiina yoolkiisi iyo hamigiisii wuu karumeeyey oo waa uu furtay Qusdandiiniya istanbuul .
Caqabadaha ka hor imaan kara xaqiijinta yoolkaaga
Caqabadaha ka hor imaan kara xaqiijinta yoolkaaga waxaan kusoo koobayaa saddex caqabood oo u noqan kara bud dhig kuwaas oo kala ah:
- Cabsi Aqoon yaraan 3. Khibrad yaraan.
Cabsidu waxay noqan kartaa saddex jaad midkood , cabsi uu qofku ka cabsanayo inuu guul daraysto, cabsi uu qofku ka cabsanayo in la dhaleeceeyo, iyo ugu damayn cabsi laga qabi karo is bedelka dhacaya sida haddii aad saas sameyso maxaa dhicidoona iyo wax lamid ah.
Labada kale ee aqoonta iyo khibradda , ogow markasta khibraddu aqoonta la dhigto iyadaa ayaa kun jeer ka muhiimsan waayo aqoontu waa khibrad la isu geeyey.
Sidee uga gudbi kadhaa caqabadaha kaa hortaagan xaqiijinta yoolkaga?
Waxaan kusoo koobayaa xalka caqabadahaas toban kan qoddob ee kala ah:
- Inaad talo saarato eebe jalla wacalaa 2) inaad yeelato han sare 3) rabitaan 4) kalsooni naftaa 5) go’aan adag 6) saaxiibo kugarab gala 7) maaraynta waqtiga 8) cid wanaagsan oo aad ku dayato 9) adkaysi iyo dulqaad 10) dejin qorshe howleed.
Gabagabadii
akhriste ogow hab dhaqanka wanaagsan ee uu qofku leeyahay ayaa ah udub-dhexaadka xaqiijinta yoolkiisa .
Waxaan saxay waxay ka ahaatay xag eebe,waxaan khaldayna waa naftayda iyo shaydaan
Waxaa Qoray Abdirisak Mursal Mohamed (Abdirisak Jaaruqo)