Socdaal dacwadeed oo maamulka mu’asasada al minhaaj iyo culimo ay ku mareen gobolka mudug ayaa waxa uu qaatay 9 maalmood, socdaalkaaso lagu marayey degmooyin & tuulooyin ka tirsan Gobolka mudug, sida: Gaalkacyo, Bayra , Xera jaale, Galdogob, Daara salaam, Buursaalax, Kala bayr, Cagaaran, Xarfo, Buurtinle, , Jalam,
Wafdiga Culimada ee ka qayb qaatay socdaalka dacwadeed waxa ka mid ahaa:
- Maxamed C/laahi Cabdulle
- Sheikh Maxamed Macalin axmed
- Sheikh Sahal Barre Ciid
- Sheikh Maxamed Axmed Dabiix
- Ciise Siciid maxamed
Iyada oo ay ku soo biireen socdaalka marka uu soo gaaray degmada burtinle Culimo ka timi gobolka nugaal oo kala ahaa
- Sheikh Dalmar Guureeye kaarshe
- Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax
- Macalin mukhtaar Maxamud Axmed
- Macalin C/qaadir C/salaam Siyaad
- Macalin C/waduud Yusuf Faarax
Ujeedooyinka socdaalka :
- Gudashada waajibka rabii ee fidinta diinta
- U kuurgelida baahiyaha dhanka diinta iyo dacwada ee degaanadaas
- Is waydaarsiga khibradaha fidinta iyo hormarinta dacwada
- Kobcinta iyo kor u qaadida xiriirka walaaltimo
Shaqooyinka hirgalay safarkaa dacwadeed waxa ay gaarayeen 74 shaqo oo isugu jira, muxaadarooyin guud, kelmado ducaada loogu talo galay, kelmado ardayda madaarista loo jeedinayey, kelmado ardayda macaahida sharciga ah,odayaasha,iyo haweenka guud ahaan.
Qodobada culimadu ay kala hadlaysay bulshada qaybaheeda kala duwan waxaa ka mid ahaa dhibta qabyaalada,xoojinta walaaltinimada , ilaalinta salaadda, xijaabka iyo shuruudiisa, barshada cilmiga sharciga ah,ku dhaqanka diinka, ilaalinta masaalixda guud ee umadda , u diyaargarowga maalinta danbe iyo qiyaamaha. Iyo la dagaalnka mukhaadaraadka.
Natiijooyinka socdaal dacwadeedka
- Bogaadin iyo soo dhowayn booqashada dacwadeed
- Ogaansho xaalada dacwadeed ee dhabta ah ee degaanadaa
- Xoojinta iyo adkaynata walaaltinimada ka dhaxaysa walalaha muslimka ah
- Shaafin iyo ka jawaabid su,aalaha ay u baahnayeen buslshada degaanadaa
- Ukala gudbinta khibradaha dacwadeed ee degaanda
Mahadnaq :
Waxaa maamulka minhaaj iyo culimada socdaalka dacwadeed ku marayey degaamada aan soo sheegnay, u mahadnaqayaan maamuladii mu’sasada ee degaamadaa iyo dadawaynihii, culimadii, guurtidii, maamuladii, iyo haweenkii, nagu soo dhoweeyey degaamada aan booqanay waxaana uga mahadnaqaynaa dhegaysigii iyo kala faaiidaysigii na dhexmaray iyo marti soorkii qiimaha badnaa ee ay noo fidiyeen inta aanu joognay degaamadaa
Gunaanad:
Waxaa muuqday loona baahan yahay in la joogteeyo socdaalada dacwadeed ee noocaan oo kale ah si loo bararujiyo umada muslimka ah ee soomaaliyeed, lana helo naseexayn joogto ah,iyo kala dheegahso khibaradeed