+252 90 7798232 [email protected]

Sheekh Suldaan Cabdi Qani Qorane oo ka md ah Issimada Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ka tacsiyeeyey geeridii shalay  ku timid Ugaas Cabdirixman Ugaas Khaliif, oo ahaa Issim weyn oo laga yaqaan Soomaaliya kuna geeriyooday magaaada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Eng Suldaan Cabdi Qani Qorane  ayaa waxaa uu tacsi u dirayaa Umada Soomaaliyeed iyo Ehelada Ugaas Cabdirixman Ugaas Khaliif iyo dhamaan shacabka ku dhaqan gobalka Hiraan wuxuuna alle uga baryey umada Soomaaliyeed iyo badal khayr qabo siiyo uuna janatul Firdoos ka waraabiyo Ugaas Cabdirixman Ugaas Khaliif.

Sheekh Suladaan Cabdi Qani Qorane ayaa wuxuu haatan socdaal dacwo ku marayaa dalka S/Afrika halkaas oo uu ka socday Mutamar Islaami ah oo ay soo qabanqaabisay Musasat Al-Bayaan.

Sheekh Suladaan Cabdi Qani Qorane

Xigasho Halgan.net